4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 29, 2013
Puntland oo la sheegay inaysan ka qaybgalayn shirka bisha soo socota lagu qabanayo Magaalada London ee dalka Britain

Isniin, Abriil 29, 2013 (HOL) — Kaddib markii dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo maamulka Puntland oo 24-tii saac ee ugu dambeeyey magaalada Garoowe shirar gaar gaar ah ku lahaa ay isku mari waayeen arimo dhowr ah, ayaa waxaa soo baxaya warar hordhac ah oo sheegaya in Puntland aysan ka qayb geli doonin shirka arimaha Soomaaliya looga hadli doono ee dhowaan la filayo in uu ka dhaco magaalada London.

Kulankii ay galabta labada dhinac Garowe ku yeesheen, oo intii uu socdey ahaa mid ay dood kululi haraysay, waxaa qodobada lagu kala boodey kamid ah: ajendaha lala tegayo shirka London iyo maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Arimaha maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka oo mowqifka ay dowladda Federaalku ka taagan tahay uu ahaa mid cad, waxay Puntland ku adkaysatay in ay waajib tahay in dowladda Federaalku ay taageerto.

Dhinaca ajendaha shirka London waxay Puntland soo jeedisey in wax lagu daro, halka ay dowladda Federaalku ku adkeysatay in ajendaha shirku uu yahay mid cad, islamarkaana horay loo go’aamiyey.

Qodobka saddexaad ee isna doodda sii xoogeeyey ayaa ahaa, wax-ka-bedel ay Puntland sheegtay in lagu sameeyey Dastuurka, , inkasta oo dhinaca Federaalku ay eeddaas iska fogeeyeen.

Warka ku saabsan in Puntland aysan ka qayb geli doonin shirka London ayaa ah mid hordhac ah, mana jiraan ilaa iyo hadda mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland oo si rasmi ah u shaaciyey.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland,Soomaaliya