3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 28, 2013
Maamulka Gobolka Hiiraan oo ku Howlan Dhismaha Ciidamada Maamulka iyo Hagaajinta Daqliga kasoo gala Canshuuraha


Axad, Abriil 28, 2013 (HOL) — Dhismaha ciidamada iyo hagaajinta daqliga waa mudnaanta koowad ee maamulka cusub ee gobollka Hiiraan oo tan iyo markii uu la wareegay tallada xoogga saaray sidii dib u habeyn loogu sameyn lahaa ciidamada iyo nidaam-ka ama habka cashuur ururinta gobollka oo markii ugu horeysay howlwadeenada ka shaqeynaya lagu soo xushay aqoon iyo amaano.

Guddoomiyaha gobollka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanayo in oo maalmihii ugu danbeeyayba ku howlanaa kulamo kala duwan oo uu la lahaa qeybaha bulshada oo ay ku jiraan saraakishii hore  ee ciidamada ayaa sheegay in maamulka uu hogaamiyo xoogga saari doono sidii ay wax badan uga qaban lahaayeen nabad-galyada guud ahaan gobollka gaar ahaan magaalada Baladweyne, sidaa daraadeed loo baahan yahay in marka hore dib  u habeyn lagu sameeyo ciidamada dowladda ee maamulka gobollka Hiiraan.

“Ciidamo runtii tayo wanaagsan leh tababar fiicanna qaba ayaa hadda magaalada ka howlgala, laakiin annaga ka maamul ahaan waxaa xoogga saari doonaan sidii loo sii xoojin lahaa tayada ciidamada, dib u habeynna loogu sameyn lahaa,'' ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobollka Hiiraan.

Waxaa uu sheegay in dhawaan sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabi doonaan tirkoob rasmi ah oo lagu saameynayo ciidamada maamulka gobollka, isaga oo intaa raaciyay in ay siin doonaan kaarar aqoonsi ah  qeyb ka noqonaya nidaam-ka dib u hagaajinta ciidamada.

“Annaga waxa aan xoogga saareyno waa nabad-galyada, dib u habeynta ciidamadana waa qeyb ka mid ah sugida amniga, waana tan keentay in aynu marka hore xoogga saarno hagaajinta nidaam-ka ciidamada,'' ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobollka Hiiraan.

Cabdi Faarax Laqanyo guddoomiyaha gobollka Hiiraan ayaa sidoo kale sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabayaan mishaarka ciidamada, waana tan keentay ayuu yiri in aan xoogga saarno dib u habeynta nidaam-ka daqlli ururinta.

"Waad la soctaan waxaa todobaadyadii ugu danbeeyay ku howlaneyn sidii aan wax ka badal ugu sameyn laheyn nidaam-ka daqlli ururinta gobollka, si markaa ciidamada ay xuquuqda leeyihiin u hellaan, '' ayuu yiri gudddoomiyaha maamulka gobollka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo,.

Dhawaan ayeey aheyd markii magaalada Baladweyne siminaar loogu soo gabagabeeyay ilaa 40 dhalinyarro ah oo loo soo xushay in ay ka howlgalaan waxaada cashuur ururinta gobollka oo markii ugu horeysay loogu soo xushay aqoonta ay leeyihiin.

Dadka ku dhaqan magaalada Baladweyne ayaa sheegay dhinacooda ay siweyn u soo dhaweynayaan nidaam-ka cashuur ururinta oo sida ay sheegeen wax badan ka duwan habkii hore ee loo qaadi jiray, waxaana  jira koox dabal-gal ah oo la socta hadba sida ay howsha qaadista cashuurta u socto.

Dhalinyarrada loo tababaray waxaad cashuur ururinta gobollka oo qaarkood HOL wax ka weydiisay shaqada loo tababaray ayaa sheegay in ay siweyn ugu amaanayaan maamulka hadda jira tixgalinta uu siinayo dhalinyarrada wax baratay ee ku dhaqan magaalada Baladweyne oo markii ugu horeysay qeyb  ka qaadanaya howlaha maamulka.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha gobollka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo ayaa ugu baaqay bulshada ku dhaqan gobollka Hiiraan in ay gacan ku siiyaan maamulka wax ka qabashada howlaha culus ee hor yaalla, gaar ahaan amniga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya













Click here
4/28/2013 8:57 AM EST
Axad, Abriil 28, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu horkacayo oo ka kooban wasiirro iyo xildhibaanno ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, iyagoo halkaas kula kulmay madaxda Puntland oo uu ugu horreeyo C/raxmaan Faroole.

4/28/2013 8:41 AM EST
Axad, Abriil 28, 2013 (HOL) — Boqolaal qoys ayaa ku barakacay magaalada Buuhoodle kaddib markii daad xooggan ay kusoo rogmadeen kuwaasoo kaga yimid deegaannada galbeedka kaga aaddan magaaladaas.

4/28/2013 8:31 AM EST
Axad, Abriil 28, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta tallaabo dhiiri-gelin ah u sameeyay 1,000 askari oo ka mid ah ciidamada xoogga dalka kuwaasoo tabababar ku qaadanaya xerada Jaziira ee duleedka Muqdisho ku taalla.

4/28/2013 8:10 AM EST
Axad, Abriil 28, 2013 (HOL) — Hay’adda Camuud Foundation, ayaa maanta Jaamacadda Hargeysa ku wareejisay Buugaag ay ugu tallo gashay inay ardayda jaamacaddaasi wax ka barataa wax ka akhristaan.

4/28/2013 1:10 AM EST
Axad, Abriil 28, 2013 (HOL) — Shirweyne toddobaadyadii lasoo dhaafay uga socday golayaasha maamulka Khaatumo degmada Taleex ee gobolka Sool ayaa soo gabagaboobay; iyadoo ay kasoo bexeen qodobbo dhinacyo kala duwan taabanaya.

4/28/2013 12:44 AM EST
Axad, Abriil 28, 2013 (HOL) — Soomaalida ku nool gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa la sheegay inay kaalinta shanaad ka galeen dadka ajnabiga ah ee qaba cudurka halista ah ee HIV/AIDS-ka, iyadoo dadka kasoo jeeda dalka ay kaalinta koowaad ka galeen dadka cudurkan halista ah qaba.

4/28/2013 12:27 AM EST
Axad, Abriil 28, 2013 (HOL) — Madaxweynaha dowladda federaalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Axad ah ku wajahan magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, isagoo la kulmi doona madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole.