3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 28, 2013
Dadaad khasaare ka geystay Magaalada Buuhoodle iyo daadadka oo mar kale barakaciyay dad barakacyaal ku ahaa degmadaas (SAWIRO)

Axad, Abriil 28, 2013 (HOL) — Boqolaal qoys ayaa ku barakacay magaalada Buuhoodle kaddib markii daad xooggan ay kusoo rogmadeen kuwaasoo kaga yimid deegaannada galbeedka kaga aaddan magaaladaas.

Daadka oo aan si lama filaan ah kusoo galay magaaladda Buuhoodle ayaa khasaare duunyo ah soo gaarsiiyay dad ku dhaqan deegaannada Sool-joogto, Hagoogane iyo deegaanno kale oo galbeed kaga aaddan magaaldda Buuhoodle sida uu HOL u sheegay Khadar Cawl Ismaaciil oo agaasime ka ah idaacadda Daljir ee Buuhoodle.

Khadar wuxuu intaasi ku daray in xaafadda lagu magacaabo Tuulo Barwaaqo oo dhacda galbeedka magaalada Buuhoodle ay tahay mid laga barakaco xilli roobaad kasta; hase ahaatee uu sannadkan ka khasaare badnaa kuwii hore.

Waxaa roobabkan khasaare gaadhsiiyeen 18-qoys oo reer guuraa ah, iyadoo ka dilay 30-neef illaa 70-neef oo ari ah, sida uu sheegay agaasimaha Radio Daljir xaruntiisa Boohoodle Khadar Cawl.

Dadka barakacay ayaa sida uu sheegay Khadar waxay u badan yihiin dadkii horey barakac ahaanta ugu noolaa magaalada Buuhoodle, kuwaasoo deeggenaa guryo ay ka sameysteen cooshado iyo baakado la isku xirxiray.

Ma jiro wax kaalmo ah oo illaa hadda la gaarsiiyay dadka daadadkaasi ay ka barakaciyeen guryihii ay ku noolaayeen iyo weliba dadkii daaadadku ay kala tageen dadka kusoo rogmaday magaalada.


Sawirada: Afbakayle.com

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool













Click here
4/28/2013 9:11 AM EST
Axad, Abriil 28, 2013 (HOL) — Dhismaha ciidamada iyo hagaajinta daqliga waa mudnaanta koowad ee maamulka cusub ee gobollka Hiiraan oo tan iyo markii uu la wareegay tallada xoogga saaray sidii dib u habeyn loogu sameyn lahaa ciidamada iyo nidaam-ka ama habka cashuur ururinta gobollka oo markii ugu horeysay howlwadeenada ka shaqeynaya lagu soo xushay aqoon iyo amaano.

4/28/2013 8:57 AM EST
Axad, Abriil 28, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu horkacayo oo ka kooban wasiirro iyo xildhibaanno ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, iyagoo halkaas kula kulmay madaxda Puntland oo uu ugu horreeyo C/raxmaan Faroole.

4/28/2013 8:31 AM EST
Axad, Abriil 28, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta tallaabo dhiiri-gelin ah u sameeyay 1,000 askari oo ka mid ah ciidamada xoogga dalka kuwaasoo tabababar ku qaadanaya xerada Jaziira ee duleedka Muqdisho ku taalla.

4/28/2013 8:10 AM EST
Axad, Abriil 28, 2013 (HOL) — Hay’adda Camuud Foundation, ayaa maanta Jaamacadda Hargeysa ku wareejisay Buugaag ay ugu tallo gashay inay ardayda jaamacaddaasi wax ka barataa wax ka akhristaan.

4/28/2013 1:10 AM EST
Axad, Abriil 28, 2013 (HOL) — Shirweyne toddobaadyadii lasoo dhaafay uga socday golayaasha maamulka Khaatumo degmada Taleex ee gobolka Sool ayaa soo gabagaboobay; iyadoo ay kasoo bexeen qodobbo dhinacyo kala duwan taabanaya.

4/28/2013 12:44 AM EST
Axad, Abriil 28, 2013 (HOL) — Soomaalida ku nool gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa la sheegay inay kaalinta shanaad ka galeen dadka ajnabiga ah ee qaba cudurka halista ah ee HIV/AIDS-ka, iyadoo dadka kasoo jeeda dalka ay kaalinta koowaad ka galeen dadka cudurkan halista ah qaba.

4/28/2013 12:27 AM EST
Axad, Abriil 28, 2013 (HOL) — Madaxweynaha dowladda federaalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Axad ah ku wajahan magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, isagoo la kulmi doona madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole.