4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 28, 2013
Soomaalida ku nool Gobolka Minnesota ee Dalka Mareykanka oo Kaalimo hore ka gashay Dadka qaba Cudurka AIDS-ka


Axad, Abriil 28, 2013 (HOL) — Soomaalida ku nool gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa la sheegay inay kaalinta shanaad ka galeen dadka ajnabiga ah ee qaba cudurka halista ah ee HIV/AIDS-ka, iyadoo dadka kasoo jeeda dalka ay kaalinta koowaad ka galeen dadka cudurkan halista ah qaba.

Madaxa hay’adda caafimaadka bariga Afrika, Dr. Cismaan Xaraare oo VOA-da u warramayay ayaa sheegay in tirakoobkan uu yahay kuwo ay soo saarto hay’adda caafimaadka gobolka sannadkiiba mar, isagoo xusay in Soomaalida ay ka horreeyaan dalal Afrikaa u badan.

“Soomaalida laga helay cudurkan waxay u badan yihiin haween, waana intii baaritaanka lagu sameeyay, tiradooduna waxay noqotay 97-qof” ayuu yiri Dr. Xaraare oo sheegay in dadka u dhashay dalka Itoobiya ee cudurkan qaba ay tiradoodu tahay 228-qof.

Dr. Xaraare ayaa sheegay in dadka shisheeyaha ee qaba cudurkan ay 56% yihiin haween halka 44% ay yihiin rag, isagoo sheegay in dadka caddaanka ah ee cudurkan qaba ay 82% yihiin rag, halka 18% ay yihiin rag.

Sidoo kale, dhakhtarku wuxuu kula taliyay Soomaalidu ay iska baaraan laba cudur oo halis ah, kuwaasoo kala ah: Hepatitis B iyo C iyo cudurkan halista ah ee ADIS-ka, isagoo sheegay in cudurradan ay yihiin kuwo si isku mid ah lagu kala qaado, khatarna geliya nolosha qofka.

“Dadka Soomaaliyeed 10% illaa 11% waxay qabaan cudurka halista ah ee Hepatitis, waxaana oran lahaa waa inay taxaddar weyn ka sameeyaan inay cudurradan noqdaan kuwo kusii bata, waayo Soomaalid hadda waxay inta badan u dhintaan cudurka Hepatitis-ka ah,” ayuu yiri Dr. Xaraare.

Waa markii ugu horreysay oo la soo saaro tirada rasmiga ah ee Soomaalida qaba cudurka AIDS-ka, iyadoo gobolka Minnesota oo tiradan laga soo saaray uu yahay gobolka ay deggen yihiin Soomaalida ugu badan ee ku nool dalka Mareykanka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya