4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 23, 2013
Marwo Faadumo Ugaas Barre oo Shaacisay in ay u taagantahay xilka madaxweenenimo ee dowlad goboleedka Jubbaland

 


Talaado, 23 April, 2013(HOL) :- Iyadoo maalmihii ugu danbeeyay ay isa soo tarayeen musharixiinta u taagan xilka madaxweeynenimo ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxa maanta marki ugu horeeysay shaacisay musharaxnimadeeda madaxtinimo Marwo Faadumo Ugaas Barre Ugaas Axmed.

Marwo Faadumo Ugaas ayaa shir jaraa’id ay maanta ku qabatay Hotel Waamo ee magaalada Kismaayo ayay ku shaacisay in ay u taagantahay xilka madaxweeynenimo ee dowlad goboleedka Jubbaland, taasoo la filayo in dhawaan looga dhawaaqo degmada Kismaayo.

Haweeneydani oo ah aqoonyahannad kasoo jeeda gobollada Jubooyinka ayaa sheegtay in hadii loo doorto xilka madaxweeynenimo ee dowlad goboleedka Jubbaland ay wax ka qaban doonto arimaha ay kamidka yihiin Ammaanka, Waxbarashada, horumarka iyo weliba soo celinta wax soo saarkii ay caanka ku ahaayeen gobollada Jubooyinka.

"Kadib markii aan arkay dhibaatada daashatay wadanka, kadib markaan arkay burburka saameeyay dalka Soomaaliya gaar ahaan Jubooyinka, kadib markaan dayaca heysto haweenka Soomaaliyeed iyo carurta ayaan go'aansaday in aan isu soo sharaxo xilka madaxweeynaha Jubbaland," ayay tiri haweeneydani oo warbaahinta la hadleeysay.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay qaar kamid ah waxgaradkii halkaasi ku sugnaa kuwaasoo sheegay in ay soo dhaweeynayaan in markii ugu horeeysay ruux dumar ay isu soo taagto qabashada xilka madaxweeynenimo ee dowlad goboleedka Jubbaland, waxaana dadkii halkaasi ka hadlay kamid ahaa Cabdi Ruush oo kamid ah aqoonyahannada reer Kismaayo, kaasoo sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in uu arko ruux haween ah oo u tartameeysa hogaanka ugu sareeya ee Jubooyinka.

Haweeneydani ayaa noqoneeysa tii ugu horeeysay oo shaacisa in ay u taagantahay xilka madaxweenenimo ee dowlad goboleedka Jubbaland, xilli magaalada Kismaayo uu ka soconayo shir la doonayo in dowlad goboleed loogu dhiso sedexda gobol ee J/hoose, J/dhexe iyo Gedo.

 

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.