4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 23, 2013
Xarakada Al-Islaax oo Warsaxaafadeed ay Maanta soo saartay ku beenisay in Ururkooda uu la Midoobay Urur kale

Talaado, Abriil 23, 2013 (HOL) — War-saaxafadeed ay Xarakada Al-Islaax ee Soomaaliya ay soo saartay maanta oo Talaado ah ayay ku sheegtay inaysan jirin wax urur ah oo ay la midoobeen, iyagoo war arrintan ku saabsan oo maalmo ka hor kasoo baxay Muqdisho ku tilmaamay mid been abuur ah.

Guddoomiyaha Ururka Al-Islaax Dr. Cali Baashi Cumar Rooraaye oo warkan ku saxiixnaa ayaa ku eedeeyay in wararkaas uu ka dambeeyo Sheekh Sheekh Maxamed Axmed Garyare oo ka mid ah aasasayaashii Xarakadan balse aan hadda wax xil ah aan ka hayn.

Haddaba halkaan hoose ka daalaco war-saxaafadeedka:

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya