4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 23, 2013
Ururka SYOA oo Tartan Ciyaareed kusoo gabagabeeyay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay (SAWIRRO)


Talaado, Abriil 23, 2013 (HOL) — Ururka u dooda xuquuqda dhallinyarada Soomaaliya ee SYAO ayaa kusoo gaba-gabeeyay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay tartan isboorti oo muddo toddobaad ah socday, kaasoo ay ka qeyb-galeen kooxo ka dhisan magaaladaas.

Tartankan oo loogu magac-daray is-dhex-galka dhallinyarada Gobolka Bay ayaa kooxaha ka qeyb-galay waxay tartan adag u soo galeen inay ciyaarta filaanka ah ka qaybgalaan, waxaase ciyaartaas isugu soo haray kooxaha FC Salaadey iyo FC Aamina.

Ciyaartan kama dam-beysta ahayd oo ay u soo daawasho tageen dadweyne fara badan ayaa waxaa kasoo qayb-galay guddoomiyaha gobolka Bay. Cabdi Aadan Hoosow iyo mas’uuliyiinta heer gobol iyo heer degmo.

Labada kooxood ayaa waxay isla dhaafi waayeen bar-barro goolal la’aan ah, waxaana loo dhigay rigoorayaal si ay ugu kala baxaan; iyadoo afar gool ay guushu ku raacday kooxda FC Salaadey oo ku guuleysatay koobkii quruxda badnaa ee la dhigay, halka kooxdii kalena ay heshay hal gool oo keliya.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Bay, Cabdi Aadan Hoosow oo ka hadlay gaba-gabadii tartanka ayaa sheegay in tartankan uu qayb weyn ka yahay is-dhexgalka bulshada, gaar ahaan dhallinyarada, isagoo ku amaanay ururka SYAO dadaalkooda ku aaddan horumarinta dhallinyarada.

Sidoo kale; waxaa goobta ka hadlay Maxamuud Sh. Madey oo ah wakiilka Olimbikada Soomaaliyed (GOS) ee Gobollada Bay, Bakool iyo Gedo oo loo yaqaan Zone II, isagoo sheegay in tartannadan oo kale ay yihiin kuwo aad u wanaagsan ayna tahay in la joogteeyo laguna ballaariyo deegaannada kale ee gobolka Bay iyo kuwa kale ee dariska la ah.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha gobolka Bay, Cabdi Aadan Hoosow ayaa FC Salaadey guddoonsiiyay koob qurux badan ee ay ku guuleysteen, halka kooxdii labaad ee FC Aamina lagu abaal-mariyay koob kale, waxaana xusid mudnaa in ciyaartoydii ka qeyb-qaadatay la siiyay billado dhiiri-gelin ah.

Tartanka ay SYAO kusoo gaba-gabeysay magaalada Baydhabo ayaa qeyb ka ahaa tartammo isboorti oo is dhex-galka bulshada ah oo ay ku qabatay Beledweyn, Afgooye iyo Muqdisho, iyadoo lagu wado tartammo kale inay ku qabato gobollada iyo deegaanada dalka.











Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya