4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 22, 2013
Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somalia oo Muqdisho Kula Kulmay Mas’uul ka socday Hay’adda ACCORD


Isniin, Abriil 22, 2013 (HOL) — Wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, Jamaal Maxamed Barrow ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay hormuudka hay’adda ACCORD u qaabilsan Soomaaliya, Kwezi Mngqibisa, waxayna ka wadahadleen arrimo dan u ah dalka, dadka iyo Qaranka Soomaaliyeed.

Jamaal Barrow ayaa kala hadlay mas’uulkan oo u dhashay Koonfur Afrika in ay gacan ka geysato haya’dooda sidii loo sameyn lahaa siyaasad ku wajahan qurba-joogta, loogana shaqeyn lahaa isku-xirka dadka Soomaaliyeed ee ku nool gudaha dalka iyo kuwa dibadda ku nool.

Wasiir ku- xigeenka ayaa ka codsaday hay’adda ACCORD inay sidoo kale ka caawiso wasaaradda diyaarinta qorshe dhameystiran oo muddo afar sano ah ee ay ku howlgalayso iyo isku-xirka hay’adaha maaliyadeed ee labada dal si gaar ah, bankiyada dhexe ee Soomaaliya iyo midka Koonfur Afrika.

Ugu dambeyn, warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu sheegay in kulanka uu kusoo dhammaaday guul; iyadoo la xusay in kulankan uu qayb ka yahay dadaalka wax-ku-oolka ah ee wasiirrada ka tirsan wasaaradda ay ku horumarinayaan shaqada, shaqaalaha iyo siyaasadda wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Mas’uulka ka socday hay’adda ACCORD ayaan wax hadal ah siin saxaafadda markii uu kulanku soo dhammaaday, isagoo isla maanta dib ugu ambabaxay dalkiisa Koonfur Afirka.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya