4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 22, 2013
Xildhibaannada Baarlamaanka Somalia oo Maanta Su’aalo Weydiiyay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya


Isniin, Abriil 22, 2013 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta su’aalo weydiiyay wasiirka gaashaandhigga Somalia, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi iyadoo kulanka maanta uu shir-guddoominayay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).

Su’aalaha la weydiiyay wasiirka ayaa waxaa ka mid ahaa: hub dhawaan laga baxsaday bakhaar ku yaalla madaxtooyad Soomaaliya, isagoo sheegay taas ku tilmaamay mid been ah oo aanay waxba ka jirin.

“Ma jiro hub lagala baxay bakhaaro ku yaalla madaxtooyada, balse waxaa jiray in xubno yar ay isku dayeen inay kala baxaan hubka, balse ay gacanta ku dhigeen saraakiisha ciidamada xoogga dalka,” ayuu yiri Fiqi.

Sidoo kale, guddiga difaaca baarlamaankaa ayaa waxay wasiirka weydiyeen su’aal ku saabsanayd in direyska cusub ee ciidamada xoogga dalka la xaday laguna weeraray xarunta garsoorka dalka ee maxkamaduhu ay ku shaqeeyaan, isagoo sheegay in warkaas uu yahay mid aanu waxba ka jirin oo la been abuuray.

“Xildhibaannadab baarlamaanka waxaan u caddeynayaa tuutihii cusbaa ee lagu maray 12-kii Abriil inaan la xaday oo lagu weerarin xarunta garsoorka dalka. Anigu waxaan ka mid ahaa wasiirradii ugu horreeyay oo goobta taga, tuutaha ay wateen ragga weerarka geystay waxay ahaayeen kuwii hore ma ahayn kuwa cusub, mana gududa in la xado tuutaha cusub,” ayuu wasiirku kaga jawaabay su’aashaas.

Wasiirka ayaa waxaa hareerihiisa taagnaa markii su’aalaha la weydiinayay taliyeyaasha ciidamada xoogga dalka, waxaana su’aalahan ay qayb ka yihiin la xisaabtanka baarlamaanka uu kula kula jiro wasaaradaha xukuumadda si loo caddeeyo howlaha ay xukuumaddu qabatay intii ay jirtay.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay su’aalo weydiiyay wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka, isagoo maalintii ka horreysayna su’aalo weydiiyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya