4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 21, 2013
Wariye Maxamed Ibraahim oo ay koox hubeysan ku dileen Degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho

Axad, Abriil, 21, 2013 (HOL)  - Wariye Maxamed Ibraahim Raage oo ka tirsanaa wariyayaasha Telefishanka Qaranka iyo Idaacadda Radio Muqdisho ayay maanta  koox hubeysan ku dileen meel ku dhaw gurigiisa oo ku yaala xaafadda Dharkeynley ee duleedka magaalada Moqadisho.

“Maxamed shaqadiisii ayuu dhammeystay wuxuuna aaday gurigiis saacaddu markay ahayd 5:00 galabnimo. Waqti gaaban ka dib ayaa naloo soo sheegay geerida marxuum Maxamed Ibraahim Raage” ayuu yiri Agaasimaha Idaacadda Radio Muqdisho, Cabdiraxiin Ciise Caddow.

Wariye Maxamed ayaa wuxuu ka mid ahaa 14 wariye oo shaqada joojiyey  sannadkii 2009 sababo nabad-galyo xumo awgeed, wxuuna in muddo ah ku noolaa magaalada Kampala ee dalka Uganda, inta uusan dib ugu soo laaban magaalada Moqdisho.

Allaha u naxariistee marxuum Maxamed Ibraahim Raage ayaa ah wariyihii afarraad (4aad) oo lagu dilo magaalada Muqdishu Sannadkan 2013.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]