4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 21, 2013
Somaliland oo sheegtay in mowqif cad ka qaadatay ka qeyb-gallka shirka bisha May ka furmaya London

Axad, Abriil, 21, 2013 (HOL) --  Wasiirrka wasaarradda arrimaha dibadda maamulka Somaliand Dr Max'ed C/llaahi Cumar ayaa isaga oo ku sugan magaalada Washington ee dalka Mareykanka waxaa uu mar kale ku celiyay mowqifka xukuumada Somaliland ee shirka ka furmaya bisha May magaalada London ee looga hadllayo xaaladda Soomaaliya.
 

Wasiirrka oo ka hadllayay kulan magaalada London ay ku yeesheen ra'iisal wasaaraha dalka Britain David Cameron, wuxuuna sheegay in kulankaas uu David Cameroon uga codsaday in Somaliland ay ka soo qeybgasho shirka bisha May ka dhici doona magaalada London, hayeeshee ay u sheegeen in ay mowqifkooda shirka uu yahay mid cad, isla markaana aysan ka soo qeybgeli doonin.

 

''Runtii ra'iisal wasaaraha dalka Britain ayaa siweyn ugu dhaganaa qodobka ka soo qeyb-gallka shirka, isaga oo noo muujiyay sida uu u daneynayo Somaliland in ay ka qeybgasho shirka, laakiin annagana mowqifkeena shirkaas oo iska cad ayaan u sheegnay'' ayuu yiri Dr Max'ed C/llaahi Cumar.

 

Shirka London ayuu sheegay in uu yahay shir u gaar ah Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay, loogana hadlli doono arrimaha amniga, bani'aadanimada, iyo waliba sidii loo hagaajin lahaa deeqa la siiyo dowladda federaalka Soomaaliya, isaga oo intaa ku darray in Somaliland u aragtay shirkaa in uusan aheyn mid meelna ka khuseeya.

 

''Mowqifka shirka London ee Somaliland waxba iskama badallin, shirkaasna waa mid u gaar ah Soomaaliya runtiina muhiimad gaar ah u leh, annaga waan soo dhaweyneynaa, laakiin waxaan rabaa in aan si cad u sheego in aan marnaba ka qeybgeli doonin shirkaas ka furmaya London,''ayuu yiri wasiirrka arrimaha dibada Somaliland.

 

Bisha May ee soo socota waxaa magaalada London ka furmi doona shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, iyadoo shirkaasna uu ku soo beegmayo iyadoo Soomaaliya ay yeelatay dowlad rasmi ah oo aan KMG ahayn. 

 

C/raxmaan diini, Hiiraan Online

[email protected]

Baladweyne, Soomaaliya