4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 21, 2013
Xarunta caafimaadka Dilla oo daryeel u fidisa Hooyada iyo Dhallaanka


Axad, Abriil, 21, 2013  (HOL)-Degmadda Dilla waxa ku yaalla xarun caafimaad oo lagu daweeyo dadweyne aad u faro abdan, waxaanay xukuntaa deegaan aad u balaadhan oo u dhexeeya Kala Baydh ilaa Boorame.

MCH-kan ku yaalla magaaladdan ayaa ah ka ugu balaadhan uguna casriyeysan Somaliland, waxaana ka caawiya hay’addo badan oo ka taageera dawooyinka, mushaharka shaqaalaha, dhismaha iyo gaadiidka ay isticmaalaanba.

 

Magaaladda Dilla waxay 28 killomitir u jirta magaaladda Boorame ee gobolka Awdal, waxaan safar shaqo oo aan ku tagay xaruntan caafimaad ka waraystay hawl-wadeenadda caafimaad ee ka hawlgalla xarunta, kuwaas oo sheegay inay xaruntani xukunto dadweyne aad u faro badan, isla markaana ay ka kooban tahay qaybo kala duwan, dadka ay halkan wax kaga qaban kari waayaana markiiba u gudbiyaan cisbitaalka Boorame oo ay Ambalaasku u kala socdo 15 daqiiqo, kuwaas oo markiiba ku geeyaan dadka arrimaha degdeg ah u baahan ee aanay waxba halkan uga  qabankarin, maadaama oo ay haystaan gaadiid.

 

Madaxa Xarunta caafimaadka ee ku taalla degmadda Dilla, Safiya Jibriil Khayre oo aanu ka waraysanay qaabkay u shaqeeyo MCH ka Dilla iyo dadweynaha ay adeega u hayaan siday u wada shaqeeyaan, ayaa tidhi“MCH-kan Dilla wuxuu u shaqeeyaa dadweyne aad u farobadan iyo dhul balaadhan ilaa Kala Baydh ilaa Boorama inta u dhexeysa malaha Xarun Caafimaad, waxaanu ka dawaynaa cudurada guud, qaybtan waa qaybtii Haweenka Uurka leh, qaybta kale waa tii dhalaanka, qaybta kalana waa dhalmadda, qaybo kale oo badan ayuu leeyahay, laakiin xarunta ma joogaan wax dhakhtar oo inkastoo Hawlwadeeno caafimaad oo sare ka hawlgallaan.”, waxayna intaas ku daray “Wasaarada caafimaadku way na caawisaa, bisha cas, UNICEF  iyo hay’addo kalaba way na caawiyaan oo qolalkan cusub UNICEF baa noo dhistay”ayey tidhi.

 


Sido kale, kalkaaliso Safiye waxay sheegtay in wakhtigan roobabku ay badan yihiin xanuunka shubanka “Xiliigan oo kale waa wakhtigi shuban oo waa dadku waxay ka cabaan Balayada, way jiraan oo guryaha qaar waa jiifaan, laakiin waa xiligii loo diyaar garoobayey shubanka, meesha qalab badan baa noo yaalla, aadna waa la noo caawiyaa.”

 

Madaxa xarunta Caafimaad ee Dilla Waxay codsatay in dhakhaatiirta cusub loo keeno oo ay dadka daweeyaan, isla markaana xarunta la keeno, maadaama oo jiraan dadweyne aan meel fog tagi karin.

 

Nuux Ismaaciil Saleebaan waxa uu isna ka hawlgala waaxda caruurta iyo talaalka shanta sanno ka yar, waxaanu ii sheegay in xarunta loo keeno raashin lagu quudiyo caruurta iyo hooyadda, isla markaana hooyooyin badan ay caawiyaan.

 

 “Waxaanu bishii talaalnaa kun iyo saayid, oo bishii dhamaatay kun iyo afar caruur ah ayey ahaayeen, bil kastana waxaanu u baxnaa miyiga oo aanu ka soo talaalnaa, waxa kale oo aanu hooyooyinka siinaa cunooyin ay isticmaalaan wakhtiga ay dhalaan ilaa inta lix bilood caruurtu gaadhayso ”ayuu yidhi Nuux Ismaaciil oo ka hadlayey shaqadda waaxdoodda caruurta.

 

Waxa uu ii sheegay inay dawooyinka ay keenaan hay’adda UNICEF, waxa kale oo xarunta ku xidhan tahay hay’ado badan oo ka caawiyo, wuxuuna ka mid yahay MCH ugu weyn uguna balaadhan Somaliland, isla markaana taageero badan ay ka helaan hay’adaha.

 


Xaruntu shaqada ballaadhan ee ay qabato iyo nidaamka wanaagsan ee ay u shaqeeyaan ayaa keentay inay hay’aduhu la shaqeeyaan, isla markaana wax badan ka caawiyaan, waxaanay hawl-wadeenadu ii sheegeen in hooyadu marka ay dhasho Dhar iyo raashinba bilaash lagu siiyo, isla markaana gaadiidka xarunta loogu qaado, sidoo kale la quudiyo ilaa ilmuhu inta uu lix bilood gaadhayo, iyadoo la siiyo cuntooyin nafaqo leh.

 

Sidoo kale, waxay bishiiba mar  talaallo ka soo fuliyaan dhulka miyiga ah ee aad uga fog fog xarunta, isla markaana ay ku nool yihiin hooyooyinka caruuraha haysta ee aan soo gaadhi karin, kuwaas oo guryahooga ugu geeya dawooyinka.

 

Dadweynaha deegaankan ayaa ah kuwo si wen ugu xidhan, isla markaana ku baraarugsan hawlaha caafimaadka, iyagoo marka ay adeeg usoo doontaan magaaladda ay arrimaha caafimaadkana usoo maraan xaruntan caafimaad.

 

Sidoo kale waxay shaqaaluhu u shaqeeyaan saddex qaybood, qayb aroortii soo gasha, qayb galinta dambe ku qoran iyo qayb habeenkii ah, kuwaas adeeg fiican u fidiya dadweynaha.

 

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 

[email protected]

Hargeysa, Somaliland