4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 21, 2013
Warshaddii Isbuunyada Mubaarak oo xalay gubatay

Axad, April 21, 2013(HOL)—Waxaa gubatay warshaddii sameyn jirtay Isbuunyada ee Mubaarak oo ka mid ah warshado badan oo magaalada ku yaalla, kuwaasi oo ay dadka ka helaan adeegyo kala duwan.

 

Lama soo sheegin cid wax ku noqotay dabka, waxaase gebi ahaanba baaba’ay warshaddii Isbuunyada Mubaarak, sida uu sheegay Taliyaha guutada labaad ee Ciidamada Mileteriga  Dowladda Soomaaliya G/lle Cali Guure oo goobta tegay markii uu dabku billowday, si ay dadka u badbaadiyan.

 

Dabkaas oo waxyeello u geystay dhismaha warshadda iyo qalabkiiba ayaan la ogeyn waxyaabihii sababay dabkaas, waxaase lagu guuleystay in la bakhtiyo kaddib markii ay goobta gaareen gaadiid dab-mis ah oo ay leedahay shirkadda Isgaarsiinta Hormuud.

 

Ciidamada Mileteriga Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale sugaya nabadgelyada deegaanka ay warshadda ku taallo, kuwaasi oo sidoo kalena gurmad u fidinayay dadka ku nool nawaaxiga warshadda, si aysan waxyeello uga soo gaarin dabka.

 

Wixii ka dambeeyay sanadkii 2006 ayaa waxaa magaalada Muqdisho lagu furay xarumo warshado oo aad u badan, kuwaasi oo ay sameeyeen ganacsato Soomaaliyeed oo ogaaday in Magaalada Muqdisho laga sameyn karo warshado sameeya waxyaabaha ay dadka u baahan yihiin.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]