4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 20, 2013
Degmada C/Casiis oo ku Guuleysatay Koobka Kubadda Koleyga Degmooyinka Gobolka Banaadir (DAAWO SAWIRRADA)


Sabti, Abriil 20, 2013(HOL)— Garoonka Kubadda Koleyga 1da Luulyo (Ex-Lugino) ee magaalada Muqdisho waxaa ciyaartii kama dambeysta ee Tartanka Kubadda Koleyga Degmooyinka Gobolka Banaadir isaga horyimid Degmooyinka Hodan iyo Cabdicasiis. Iyadoo guusha ay 70-68 ku raacday Degmada Cabdicasiis.

 

Sadaasha ah in ciyaartoyda labadan degmo ay isugu imaanayaan ciyaar kama dambeys ah ayaa waxay noqotay mid dhabowday, Waxaa kulan ciyaareedkooda uu ahaa mid aad u adag oo ay ku muujiyeen ciyaar aad u sareysa oo marba Degmo hogaanka ciyaarta  ay la wareegaysay, Laakiintii qeybtii hore ayay ku kala nasteen 42-37 oo ay ku horeyso Degmada C/Casiis.

 


Markii la isku soo laabtay ayay Degmada Hodan dardar xoogan la timid iyadoo hogaanka ciyaarta ay la wareegtay, balse isbedel ayaa wuxuu yimid daqiiqadihii ugu dambeeyay markii xiddiga Degmada C/Casiis Maxamed Talyaani uu dhowr tuurashada saddexleeyda [3 Points] shabaqa  Hodan uu ku hubsaday islamarkaana u xaqiijiyay guusha Degmada Cabdicasiis inay ciyaartan kula hoydaan 70-68.

 

Ciyaartan waxaa garsoorayay C/llaahi Axmed Nuur (Cadaani) iyo Maxamed Xasan Fiidoow, Dhibcaha Mustaf Aadan Maxamed, halka Saacadda  uu hayay  Xasan Sheekh Ibraahim {Mooseey}.

 

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga Ibraahim Xuseen Cali [Roombo] ayaa gabagabadii ciyaartan saxaafadda uga warbixiyay sida ay ugu faraxsan yahiin  in Tartanka Kubadda Koleyga  Degmooyinka Gobolka Banaaadir uu guul ku soo idlaado, wuxuuna u Mahadceliyay Maamulka Gobolka Banaadir, Maamulka Zone 5 ee Guddiga Olambikada, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka, Ciyaartoyda, Garsoorayaasha, Taageerayaasha iyo dhamaan intii gacan ka geysatay habsami u socodkii Tartanka, wuxuuna xusay in Xaflad Balaaran lagu bixinayo Koobabkii iyo Abaalmarinadii loogu Talagalay Tartankan.

 

Daawashada ciyaartan waxaa ka soo qeybgalay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Horumarinta Adeega Bulshada Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) iyo mas`uuliyiin kala duwan oo isagu jiray Xiriirada Isboorti ee dalka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Taageerayaal aad u tiro badan oo buux-dhaafiyay garoonka. waxayna ku soo idlaaday jawi xiiso leh.







 

Said Ibrahim Hussein (BUUNA)

[email protected]

Mogadishu, Somalia