4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 20, 2013
Maamulka Gobolka Hiiraan oo Tababar u Furay Shaqaalaha Waaxda Canshuur Ururinta ee Maamulka Gobolka (SAWIRRO)


Sabti, Abriil 20, 2013 (HOL) — Si loo hagaajiiyo nidaamka daqlli ururinta mudo 22 sano ah kadib maamulka gobollka Hiiraan ayaa bilaabay markii ugu horeysay in uu aqoon ku soo xusho shaqaallaha ka howlgala waaxda cashuurta ururinta, waxaana dhinaca kale ka soconaya magaalada Baladweyne tababaro  sare loogu qaadayo aqoonta shaqaallaha ka howlgali doona qaadista iyo soo ururinta canshuurta laga qaado dadweynaha.

Tababar ama siminaar ay goob joogu ahaayeen mas'uuliyiinta ugu sareysa maamulka gobollka Hiiraan ayaa maanta uga furmay magaalada Baladweyne 40 howladeen oo loo soo xushay in ay ka shaqeeyaan waaxda canshuurra. kuwaasoo u badnaa dhalinyarro ka soo baxday dugsiyada sare.

Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca  maaliyada degmada Baladweyne Bashiir Xusseen Dhoore oo ka hadllay siminaarka ayaa sheegay in wax sahlan aheyn howsha la xiriirta qaadista canshuurta oo sida uu sheegay u baahan aqoon iyo amaano, waana tan keentay ayuu yiri in dadaal dheeraad ah uu ku bixiyo maamulka si loo hagaajiyo nidaamka dalliga soo gala maamulka loona hubiyo in lagu bixiyay halkii loogu talagalay.

“Annaga ka maamul ahaa muhiim gaar ah ayeey arinta noo leedahay, waayo shaqsiga lacagta ama cashuurta ka qaadaya dadweynaha waa in uu yahay shaqsi marka hore isaga dhinac kasta ka dhisan haddii ay ahaan laheyd aqoonta, amaanada iyo aqlaaqda intaba, waayo waa in ay jirtaa sababo uu kugu aamino qofka aad cashuurta ama lacagta ka qaadeyso, sidaa daraadeed juhdi badan ayaan arintaa gallin doonaa, waan og-nahay dhibaatada ka taagan qaadista cashuurta, waxaan is leenahay aqoonta la'aanta ayaa keentay in lagu dhibtoodo arintan, laakiin hadda waa ay dhamaatay,'' ayuu yiri  Bashiir Xusseen Dhoore.

Waxaa uu intaa ku darray in tababarada noocan oo kale ah aysan noqon doonin kuwo inta ku eg, laakiin ay sii socon doonaan lana siin doono shaqaallaha xitaa iyaga oo howlahooda shaqo ku dhax jira.

Macalimiinta tababarka oo ah kuwo aqoon darugsan u leh howlaha cashuur qaadista ayaa sheegay in wax sahlan aheyn in qofka iska baxiyo lacag haddii aysan jirin sabab uu ku qanci karo, waana qeyb ka mid ah sababtahaas in shaqsiyaadka ka shaqeynaya howshan yihiin kuwo amaano leh oo lagu kalsoonaan karo.

Guddoomiyaha degmada Baladweyne Cabdi Bishaar Aadan oo ka hadllay tababarka ama siminaarka ayaa sheegay in maamulka uu ka tirsan yahay ka go'an tahay in uu meesha ka saaro shakiga ka taagan qaadista cashuurta oo markii hore laga yaabo in ay si toos ah ugu dhici jirtay jeebka shaqsiyaad gaar ah, waxaana uu sheegay in dhaqallaha laga qaado dadweynaha dib loogu celinayo shacab-ka wax badanna looga qaban doono arrimaha uu ugu horeeyo amniga.

“Hadda annaga baal cusub ayaan fureynaa wixii hore waan dhamaadeen, suurtagal ma'aha in lacag shacabka laga soo qaaday shaqsi kaliya iska isticmaalo,  sidaa daraadeed ka maamul ahaan waxaan ballan-qaadeynaa in aan bulshada ku qancino halka lagu bixiyay dhaqaallihii laga qaday,'' ayuu yiri guddoomiyaha degmada Baladweyne.

Guddoomiyaha gobollka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo goob joog u ahaa tababarka ayaa la dardaarmay shaqaallaha tababarka loo furay, isaga oo sheegay in ay gutaan waajibaadka saaran, isaga oo balan-qaaday in ay helli doonaan howlwadeenada wixii xuquuq ah oo ay leeyihiin.

“Hortiinna ayaan ka ballan-qadayaa in xuquuqda aad leedihii si joogta ah u helli doontaan, annagana waxaan idinka dooneynaa in aad si daacad ah bulshada ugu adeegtaan, waayo howshan cid gaar ah oo aad u heysaan ma jirto, waa mid aad bulshadiina u qabaneysaa, waliba maamulka waa uu idinku abaalmarinayaa sida aad u shaqeysaan,'' ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobollka,'' Cabdi Faarax Laqanyo.

Waa markii ugu horeeysay oo ee dhalinyarrada ka soo baxday dugsiyada sare ee magaalada fursad loo siiyo in ay ka qeyb-qaataan howlaha maamulka, gaar ahaan waaxda daqli ururinta oo muhiimad gaar ah leh.





C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya