3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 2 , 2013
Ciidammo ka tirsan AMISOM oo wata Gaadiidka Gaashaaman iyo Dabaabado oo illaa xalay Gaarayay Degmada Baydhabo


Talaado, Abriil 02, 2013 (HOL) — Ciidammo ka tirsan kuwa AMISOM oo aad u fara badan ayaa shalay gallinkii dambe illaa xalay gaarayay magaaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, kuwaasoo maray dhinaca dhulka waxayna fariisimo ka sameysteen gudaha iyo duleedyada Baydhabo.

Ciidamadan oo watay dabaabadaha dagaalka iyo gaadiidka gaashaaman ayaa ka baxay degmada Buurhakaba ee gobolka Bay, waxayna mareen dhulka, iyagoo ku biiray boqolaal ciidammo ah oo ka tirsan AMISOM oo horay ugu sugnaa degmadaas.

Maalmahan ayaa waxaa magaalada Baydhabo ka socday in ciidamada Itoobiya ay ku wareejiyaan saldhigyadii ay degmadaas kaga sugnaayeen ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

“Degmada waxaa soo gaarayay tan iyo xalay ciidammo ka tirsan AMISOM oo wata gaadiidka dagaalka, waxay saldhigyo fariisimo waaweyn ka sameysteen garoonka diyaaradaha iyo jidka aada deegaanka Awdiinle,” ayuu yiri Cumar Ismaaciil oo ka mid ah dadka ku nool degmada Baydhabo.

Maamulka gobolka Bay iyo kan degmada Baydhabo ayaan ka hadlin ciidamada ka socda AMISOM ee gaaray degmadaas, waxaase ciidamadan ay kusoo beegmayaa iyadoo ciidamada Itoobiya ay qorsheynayaan inay isaga baxaan gobolka Bay.

Warar hoose ayaa sheegaya in ciidamadan ka tirsan AMISOM ee gaaray Baydhabo ay qorsheynayaan inay u gudbaan deegaanno ka tirsan gobolka Bakool, gaar ahaan degmada Xudur oo bishii hore ay isaga baxeen ciidankii Itoobiya iyo dowladda Soomaaliya ee ku sugnaa degmadaas.

Taliyaha ciidamada AMISOM, Jen. Andrew Gutti ayaa horay u sheegay inay ka go’an tahay inay tagaan goobaha ay ciidamada Itoobiya banneeyeen si ay u sugaan ammaanka dadka deegaannadaas ku nool.

Saraakiisha ciidamada Itoobiya ayaa sheegay dhawaan inay ciidamadooda ka baxayaan gobollada Bay iyo Bakoool, iyagoo sheegay in la dhaafay xilligii ay doonayeen inay isaga baxaan Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
4/2/2013 11:03 AM EST
Talaado, 2 April, 2013(HOL) :- Ergadii ka qeybqaadaneysay shirka la doonayo in maamul goboleed loogu dhiso sedexda gobo lee J/hoose J/dhexe iyo Gedo ayaa maanta ansixisay Axdi KMG ah oo ay ku shaqeyn doonto dowlad goboleedka loogu magic daray Jubbaland ee la filayo in loo dhiso gobollada Jubooyinka.

4/2/2013 8:56 AM EST
Talaado, Abriil 02, 2013 (HOL) — Shirweynaha Qaran ee wadatashiga garsoorka Soomaaliya oo maalintii laabad si toos ah uga socda magaalada Muqdisho, kaasoo ay ka qaybgaleen guddoomiyaha Baarlamanaka, Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, guddoomiyaha maxkamadda sare, Avv. Ceydiid Ilkaxanaf, xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo dhammaan rrgada mataleysa dadka Soomaaliyeed ee shirka lagu casuumay.

4/2/2013 8:23 AM EST
Talaado, Abriil 02, 2013 (HOL) — Ururka Qareenadda Somaliland, ayaa ugu baaqay golaha Wakiiladda inay sameeyaan xeerka mihnadda qareenimo lagu nidaamiyo oo tayo leh si loo helo cadaalad iyo xeer madax banaan oo waafaqsan xeerarka caalamka.

4/2/2013 8:14 AM EST
Talaado, Abriil 02, 2013 (HOL) — Taliyaha ciidamada AMSIOM, Jen. Andrew Gutti ayaa sheegay in ciidamadooda iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo is-garabsanaya ay ku guuleysteen inay furaan waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo oo dhirirkeedu yahay 241-km.

4/2/2013 7:55 AM EST
Talaado, Abriil 02, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa ku toogtay gudaha degmada Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya lab aka mid ah ciidamada dharka cad ee booliiska Kenya, iyagoo isla weerarkaas dhaawac ugu geystay mid kale.

4/2/2013 6:27 AM EST
Talaado, Abriil 02, 2013 (HOL) — Maalintii Axadda ahayd ee lasoo dhaafay ayaa waxaa (31 Maarso, 2013), waxaa lagu soo gaba-gaboobay tartankii 13- aad ciyaaraha kubadda cagta ee Indoor Soccer Cup magaalada Columbus ee gobolka Ohio.

4/2/2013 2:19 AM EST
Talaado, Abriil 02, 2013 (HOL) — Culummaa’uddiinka Ahlusunna Waljamaaca oo ka mid ah maamullada uu xiriirka wanaagsan kala dhexeeyo dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inaan lagu casuumin shirka looga tashanayo dib u habeynta garsoorka dalka.