4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 19, 2013
Jaaliyadda Reer Hiiraan ee W/Ameerika oo Cambaareeyay Dil ay ka geysteen Ciidamada Itoobiya Masjid ku yaalla Baladweyne


Jimco, Abriil 19, 2013 (HOL) — Jaaliydda reer Hiiraan ee ku nool Waqooyiga Ameerika ayaa cambaareeyay dil fool xun oo ciidamada Itoobiya ay ka geysteen masaajid ku yaalla magaalad Baladweyne ee gobolka Hiiraan.

Kulan ay isugu yimaadeen jaaliyadda oo ay kasoo qaybgaleen indheer-garad, aqoonyahano, culummaa’uddiin, haweenka iyo ardayda kasoo jeeda gobolka Hiiraan ayaa sheegay inay si aad ah uga xun yihiin dilkaas iyo dhaawacaas ay ciidamada Itoobiya ka geysteen gudaha masjidka.

Ruuxa lagu dilay masjidka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdi Tuurey Axmed (Cabdi Gute), sidoo kalena waxaa lagu dhaawacay dad shacab ah oo ku jiray, waxaana maalintaas ay ahayd maalin Jimce oo loo la isku diyaariyay salaaddii Qudbada.

“Dowladda federaalka Soomaaliyeed, xildhibaannada reer Hiiraan iyo maamulka Gobolka Hiiraan waxaan ku dhaliilaynaa inaysan haba-yaraateen ka hadlin dhibaatadaasa foosha xun ee shacabka reer Hiiraan a u geeysteen ciidamada Itoobiya,” ayay ku yiraahdeen jaaliyaddu bayaan ay soo saareen.

Waxay intaa ku dareen inay jiraan dad badan oo maalin walba dhibaatooyin noocaas oo kale loogu geysto gobolka Hiiraan. Iyagoo sidoo kale ciidamada Itoobiya ku eedeeyay inay wixii ay doonaan ka sameeyaan gobolka.

Sidoo kale, waxay sheegeen in dilka ay ciidamada Itoobiya ka geysteen gudaha masaajidka ku yaalla gobolka Hiiraan ay yihiin kuwo ka horimaanaya xuquuqda insaanka.

“Waxaan dawladda federaalka ee Soomaaliya si deg-deg ah uga dalbahaynaa inay arrintaan ka hadlaan ayna war cad kasoo saaraan, isla markaana ay la xisaabtamaan ciidamada Itoobiya oo aad moodid in gobolka loo keenay dil iyo dhac iyo boob. Waxaan kaloo aan codsanaynaa dowladda inay ciidamada Itoobiya ka saarto gooba ay gobolka kaga sugan yihiin; , madaama ay ciidamada Jabuuti ee “Hiil Walaal” ay ka tirsan AMISOM ay ku sugan yihiin gobolka,” ayay yiraahdeen jaaliyadda reer Hiiraan ee ku nool Waqooyi Mareykanka.

Ugu dambeyn, waxay qoraalkooda ku sheegeen inay u tacsiyeynayaan dadkii u dhintay weerarrada ka dhaca Baladweyne iyo ku ku dhaawacma; waxaanan shacabka reer Hiiraan iyo maamulkaba kula taliyeen inay si wadajir ah uga shaqeeyaan amniga gobolka Hiiraan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya