4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 19, 2013
Kulan Diimeedkii Sanadlaha ahaa ee Culummada Puntland oo Xalay Degmada Boosaaso lagu soo Gabgabeeyya [SAWIRRO]


Jimco, Abriil 19, 2013 (HOL) — Waxaa xalay soo gaba gabowdey nedwo cilmiyeedkii sanadlaha ahayd ee ka socotey masjidka Al-rowda ee magaalada Boosaaso. Nadwadan oo ah tii 11-aad waxaa sanadkan lagu qaadaa dhigay qabyaaladda iyo waxa ay diintu ka qabto.

Culimaa'uddiin ka mid ah kuwa ugu magaca dheer Puntland ayaana ka qayb qaatay, waxaana sidoo kale barbar socdey aqoon isweydaarsiyo iyagana qabyaaladda looga hadlay oo loo qabtay qaybaha kala duwan ee bulshada.

Gabagabadii nedwada waxay culimadii ka qayb galay oo ay tiradoodu dhameyd sagaal iyo toban sheekh ay si wada jir ah usoo saareen bayaan 11 qodob kakooban oo ay arimo badan kaga hadleen.

Waxyaabaha bayaanka culimada lagu xusay waxaa kamid ah: wadahalka u socda dowladda Federaalka iyo maamuka Somaliland, doorashooyinka soo socda ee Puntland iyo weliba siyaasadda dowladda federaalka ee Soomaaliya.

"Waxaan soo dhaweynaynaa wadahadalkii u furmay Dowladda Fedardalka Soomaaliyeed iyo Somaliland, waxaana u aragnaa inuu yahay fursad taariikhi ah oo lagu xaqiijin karo danaha shacabka Soomaaliyeed oo dhan, guusha wadahadalkaas laga gaarana si gaar ah ayay sharaf ugu tahay madaxda horseedka ka ah iyo cid kasta oo gacan ka geysata" bayaanka culimada ayaa lagu yiri

Qodobada ugu muhiimsan bayaanka culimada ku jiray waxaa kamid ah:

  1. In siyaasiyiinta iyo hoggaanka dhaqanku ay ilaah uga baqaan shacabka ay madaxda u yihiin.
  2. In dowladda Federaalku ay dadaal ku bixiso sidii loosoo celin lahaa sharafta iyo qarannimadii ummada Soomaaliyeed.
  3. In bulshada iyo maamulka Puntland ay ka feejignaadaan rabshadaha ka dhasha doorashooyinka.
  4. In lasii wado wada hadalada u furmay dowladda Federaalka iyo Somaliland.
  5. In qurbe joogtu aysan qayb ka qaadan hurinta colaadaha.
  6. In ganacsatada iyo bahda waxbarashadu aysan qayb ka qaadan hurinta colaadaha.

Nadwadan oo ah mid sanadle ah, islamarkaana soo bilaabatay sanadkii 2003, sanadkanna cinwaankeedu ahaa “qabyaaladda iyo waxa uu islaam ku ka qabo” ayaa waxaa soo qaban qaabiyey muassasada Al-minhaaj, waxaana ka qayb qaatay qaar kamid ah culimada waaweyn ee dalka.






Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya