4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 18, 2013
Wefdi ka socda Ururka Midowga Yurub oo xalay casho sharaf loogu sameeyay xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garoowe [SAWIRRO]


Khamiis, Abriil 18, 2013 (HOL) — Xarunta madaxtooyada cusub ee magaalada Garoowe waxaa xalay casho sharaf loogu sameeyey wefdi heer sare ah oo ka socdey Midowga Yurub, kuwaas oo shalay booqasho ku yimid xarunta maamulka Puntland ee Garoowe.

Wefdigan oo ay hogaamineyso Francesca Mosca oo ah u qaybsanaha Midowga Yurub ee bariga iyo koonfurta Afrika, waxaa sidoo kale qayb ka ah xubno kale oo uu kamid yahay Michele Cervone oo isagu ah ergeyga Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya.

Munaasabadda casho sharafta waxaa kasoo qayb galay mas’uuliyiinta ugu sareysa Puntland sida: madaxweyne C/raxmaan Faroole iyo ku-xigeenkiisa Gen. C/samed Shire, sidoo kale waxaa kasoo qayb galay xubno ka tirsan golaha wasiirada, guddiga doorashooyinka iyo xildhibaano.

Wefdigan ayaa intii ay Garoowe ku sugnaayeen kulamo la qaateen madaxda Putland, kulamadaas oo ahaa kuwo ay warbaahintu banaanka ka joogtey, waxaa qodobadii ugu muhiimsanaa ee looga hadlay kamid ahaa: xoojinta xiriirka Puntland iyo dowladda Federaalka iyo dardargelinta nidaamka axsaabta iyo doorashooyinka soo socda ee Puntland.

Dhinaca kale, wefdiga Francesca Mosca waxay kulamo gooni gooni ah la qaateen ururada siyaasadda ee Puntland, gaar ahaan labada urur ee UDAD iyo MIDNIMO oo iyagu dhowaan shaaciyey in aysan ka qayb geli doonin doorashada goleyaasha deegaanka.

Midowga Yurub ayaa Puntland ka taageera dhinacyo badan, waxaana ugu muhiimsan waxbarashada, ammaanka iyo dhameystirka geedi socodka la doonayo in nidaamka maamul ee Puntland loogu raro hanaanka dimuqraadiyadda.



Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya