4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 18, 2013
Qarax Miino oo dilay qofkii Aasayay oo Saakay Aroortii hore ka dhacay Waddo ku Taalla Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho

Khamiis, Abriil 18, 2013 (HOL) — Qarax miino oo xooggan ayaa aroortii hore ee saakay oo  Khamiis ah ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo uu ku dhintay qofkii dhigayay, sida ay sheegeen saraakiisha booliiska Soomaaliya.

Jugta qaraxa laga maqlay inta badan magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ka dhacay jid ay maraan gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay oo ku dhow Isgoyska KM-4 ee Muqdisho, balse waxaa ku dhintay ruuxii dhigayay.

“Lama oga ujeedka ay miinada ugu aasayeen halkan oo aysan ka dhaweyn xarun dowladeed, waxaase ku dhintay ruuxii dhigayay, iyadoo booliisku ay ku guuleysteen inay soo qabtaan toddoba ruux oo kale oo howshan lug ku lahaa,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan laanta dambi-baarista booliiska Somalia ee CID-da.

Maydka ruuxa bamka dhigayay ayaa yaalla meel ku dhow halkii ay miinadu kula qaraxday oo ahayd meel qashin la dhigto, waxaana goobtaas ku dhow iskuul weyn oo ay dhigtaan arday fara badan iyo safaaradda Turkiga, waxaana goobtaas ay ka tirsan tahay degmada Hodan.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay arkeen maydka ruuxa oo gacan ka go’an, iyadoo la sheegay in miinadu ay gubtay qaybaha jirkiisa, waxaana falkan uu kusoo beegmayaa xilli Axaddii lasoo dhaafay ay xoogag taabacsan Al-shabaab weerar ku qaadeen xarunta garsoorka dalka ee degmada Xamar-weyne.

“Kooxda qaraxa halkaan dhigaysay dhawaanahan meeshaas halkaas ayay ku sugnaayeen, waxayna wateen gaari yar oo KAARIB ah kaasoo ay ciidamada booliisku ku guuleysteen inay soo qabtaan, mana lahan wax sumad ah,” ayuu yiri sarkaalka u hadlay booliiska Soomaaliya.

Ma ahan markii ugu horreysay oo miino ay ku qaraxdo ruuxii dhigayay, mana jirto cid sheegatay weli inay mas’uul ka tahay miinadaas goobta la dhigayay ee fashilnatay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya