4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 17, 2013
Culummada Gobolka Bari oo Aqoon-Isweydaarsi looga Hadlay Qabyaaladda u Qabtay Ardayda Jaamacadda Bariga Afrika (SAWIRRO)


Arbaco, Abriil 17, 2013 (HOL) — Culimada diinta ee gobolka Bari oo todobaadyadii ugu danbeeyey wadey olole ballaaran oo bulshada lagu wacyi gelinayo, ayaa maanta aqoon isweydaarsi u qabtay qaar kamid ah ardeyda wax ka barata Jaamacadda Bariga Africa oo iyadu ah tan ugu weyn deegaanada Puntland.

Aqoon-isweydaarsiga oo lagu qabtay hoolka shirarka ee jaamacadda waxaa ugu horeyn furay hormuudka jaamacadda Prof. Cabdirisaaq Hiirad Maxamed, wuxuuna u hanbalyeeyey culimada isagoo ardeydana ku booriyey in ay si fiican uga faa’iideystaan macluumaadka ay aqoon isweydaarsigan ka heli doonaan, noloshoodana ay ku dabaqaan.

Intaas kadib waxaa labo muxaadaro - oo ku aadan qabyaaladda iyo waxa uu Islaamku ka qabo- jeediyey Sheekh Cabdilaahi Cali Shabeel iyo Sheekh C/risaaq Mire Gaataa, Sheekh Shabeel oo isagu hadalka ku horeeyey ayaa hordhac ka bixiyey qabyaaladda iyo waxa ay tahay.

Wuxuuna Sheekhu tilmaamay in aysan dhibi ku jirin hadii uu qofku qabiilkiisa ku abtirsado, balse uu qabiilku muuqaal kale yeelanayo marka la saaro miisaan aan ahayn kii uu eebo jideeyey, kaasoo ahaa in la isku aqoonsado.

“Qabiilku waa sida basasha, hadii hoos loogu dhaadhacana waxaa kasoo baxaya qurun, qabyaaladuna waxay lumisaa midnimada iyo jiritaanka umadda, sidaas darteed waa in laga guuraa” Sheekh Shabeel ayaa yiri.

Sheekh C/risaaq Mire Gataa oo isna intaa kaddib hadalka qaatay ayaa jeediyey muxaadaro kooban oo uu cinwaankeedu ahaa “ qabyaaladda iyo saameynta ay ku yeelatay diinta Islaamka”.

Sheekhu wuxuu ku nuux nuuxsaday sida ay Qur’aanka iyo sunnada nebigu uga digeen si-xun u adeegsiga qabyaaladda iyo weliba in ay tahay cudur hadii uu bulshada galo dhibaatooyin waa weyn dhaxalsiiya.

Ummadda Soomaaliyeed oo lagu tilmaamo in ay kamid tahay bulshooyinka ay qabyaaladdu aadka uga dhex jirto ayuu sheekhu tilmaamay in ay xiliyada qaar qabyaaladda darteed sharciga uga leexdaan, arintaasina ay tahay mid aan banaaneyn.

Ugu danbeyntii wuxuu ardeyda aqoon isweydaarsiga loo qabtay ugu baaqay in ay isu xilqaamaan sidii qabyaaladda bulshada dhexdeeda looga tir tiri lahaa, maadaama ay sal u tahay dhibaatooyinka la degey dalka Soomaaliya.

Aqoon-isweydaarsigan ayaa qayb ka ah barnaamijyo xiriir ah oo bulshada lagaga wacyi gelinayo qabyaaladda, kuwaasoo muddo todobaad ah ka socon doona magaalad Boosaaso, islamarkaana ay soo qaban qaabisay muassasada Al-minhaaj.






Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya