4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 17, 2013
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH: "Mar kale ayaan ku Celinayaa Jarida Dhirta iyo Dhoofinta Dhuxusha Waa Dambi.” (SAWIRRO)


Arbaco, Abriil 17, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka qayb-galayay munaasabadda maalinta dhir-beeridda Soomaaliyeed oo lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada, ayaa sheegay in dhoofinta dhuxusha ay tahay dambi weyn, iyadoo maanta ay ku beegan tahay maalinta dhirta adduunka.

Munaasabaddan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa: wasiirka kheyraadka dalka, Cabdirisaaq Maxamed Cumar, wasiiradda arrimmaha bulshadda iyo xubno kale oo ka socday Qaramada Midoobay.

Intii ay munaasabaddu socotay ayuu sheegay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh inay dambi tahay in la jaro dhirta lana dhoofiyo. “Waxaa jira sharci ay dowladda Soomaaliya kasoo saartay jaridda dhirta billoowgii 1970-kii. Waxaa kale oo jira qaraar ay soo saartay Qaramada Midoobay oo ku aaddan dhuxusha iyo dhoofinteeda. Waa lama huraan in la dhaqan-geliyo sharciyadaas.”

“Mar kale ayaan ku celinayaa dhoofinta dhuxusha waa dambi. dhirteenna waxaa ku xeeran nolosheenna. Waa inaan hirgelinno sharciyada dalka iyo kuwa caalamka si aan u badbaadno,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyntii madaxweynaha wuxuu madaxtooyada ku beeray geed cusub kaasoo uu sheegay inay ku muujinayaan sida ay uga go’an tahay in qof kasta oo Soomaali ah laga doonayo inuu geed ku beeri gurigiisa,

Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya ayaa Villa Soomaaliya kula kulmay wafdi ka socday Qaramada Midoobay, gaar ahaan hay’adaha WFP, FAO iyo xubno kale, waxaana kulankaas ka qaybgalay wasiirka khayraaadka dalka, waxaana kulanka diiradda lagu saaray muhiimadda uu leeyahay deegaanka iyo sida looga hortagi karo xaalufinta dhirta Soomaaliya.

Intii uu kulanku socday waxay dowladd Soomaaliya heshiis ku saabsan sidii loo joojin lahaa dhoofinta dhirta oo ay ku baxayso malaayiin doollar ay la saxiixatay xubnihii ka socday Qaramada midoobay.

Mas’uulka Soomaaliya u qaabilsan hay’adda beeraha iyo cunnada ee FAO, Luca Alinova oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay muhiim tahay in la taageero beerista dhirta, isla markaana ay lagama maarmaan tahay in laga faa’iideysto kheyraadka dalka, dowladda Soomaaliyana ay tahay in go’aan lagu hakinayo dhoofinta dhuxusha ay qaadato.

Sidoo kale; wasiirka khayraadka dalka oo hadlay ayaa tilmaamay in haddii aysan dadku ka qayb-qaadan beerista dhirta ay dhallan karto dhibaatooyin, isagoo xusay in sannadkii 2011 dhuxusha dalka laga dhoofiyay afar jeer ay ka badan tahay midda dalka gudihiisa lagu isticmaalay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulanka ka sheegay in dowladda Somalia ay ku dadaallayso sameynta qorshe lagu kobcinayo dhirta, wuxuuna dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay si wadajir ah uga qayb-qaataan beerista dhirta, gaar ahaan kuwa ay bulshadu ka faa’iideysan karto.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya