4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 17, 2013
Ururka SYOA oo Tartan isugu jiray Kubadda Cagta ah iyo Ciyaaro Dhaqameed kusoo gabgabeeyay Degmada Afgooye (SAWIRRO)


Arbaco, Abriil 17, 2013 (HOL) — Ciyaartan kubadda cagta ah ee ka dhacday degmada Afgooye ayaa loogu magic-daray koobka is-dhexgalka bulshada iyo nabaddeynta degmad Afgooye, waxaana soo qabanqaabiyay ururka u dooda xuquuqda dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYAO.

Tartankan oo ay ka qaybgaleen ku dhawaad 10 kooxood oo isugu jiray koox kubadda cagta ah iyo kooxo ku tartamayay ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ay caanka ku yihiin bulshada reer Afgooye , waxayna ciyaarahan socdeen muddo toddobaad iyo bar ah, waxaana lagu qabtay garoonka Waxool.

Gabagabadii tartanka oo ayaa waxaa kasoo qayb-galay madaxda sar-sare ee ururka u dooda xaquuqda dhallinyarada ee SYAO, mas,uuliyiin maamulka degmada Afgooye ka socday, quburo dhinaca isboortiga ah, siyaasiyiin iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada afgooye.

Kooxihii isugu soo baaxay ciyaarta finalka ahayd ee koobkan tartankan ayaa waxay soo bandhigeen ciyaar la jecleysto oo soo jiidatay indhaha dadkii ka soo qaybgalay.

Tartanka ayaa waxaa u soo daawasho tagay boqolaal qof oo ka mid ah dadka ku nool degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

Ugu horreyn, waxaa hadal kooban ka jeediyay Maxamed Aadan Shongole oo ah guddoomiyaha olombikada gobolka Shabeellada Hoose ahna kabtankii ugu horreeyey ee xulka Qaranka Soomaaliya, wuxuuna amaan u jeediyay ciyaaryahannada labada kooxood isagoo sheegay inay soo bandhigeen ciyaar la jecleystay.

Sidoo kale, waxaa isla goobta ka hadlay mid ka mid ah siyaasiyiintii lagu casuumay filanka oo lagu magacaabo Maxamed Xuseen Owliyo ayaa mahad u celiyay ururka u dooda xuquuqda dhallinyarada iyo dhammaan ciyaartoydii kooxahii ka qaybgalay tartanka.

Ugu dambeyn, waxaa hadal kasoo jeediyay goobta guddoomiyaha ururka u dooda xuquuqda dhallinyarada, Max’ed Ibraahim Cali (Cajiib) isagoo mahad u jeediyay dhammaan qaban-qaabiyeyaasha tartanka iyo dhallinyarada reer Afgooye; isagoo hoosta ka xariiqay inay sii laba jibaari doonaan ciyaaraha Kubadda cagta, kuwa dhaqanka iyo hormarinta isboortiga degmada Afgooye.

“Afgooye waxaan ogaanay inay baahi u qabaan dhallinyaradood qabashada tartammada isboorti, sidaas ayaan ugu qabannay tartanka inagoo jawaab ka bixinayna baahiyaha garanay inaan qabano koobkan aan ugu magic-darnay is-dhaxgalka bulshada iyo nabadda” ayu yiri Cajiib

Deegaannadii ay Al-shabaab ka baxday ayuu sheegay inay saarayaan sidii ay ugu qaban lahaayeen ciyaaraha kubadda cagta maadaama loo diiday, wuxuuna intaas ku darayi nay ka go’an tahay inay siin doonaan fursado ay dib ugu xusuustaan ciyaaraha.

Waa markii ugu horreysay degmada Afgooye ee lagu qabto ciyaaro kubadda caggta tan iyo markii ay Al-shabaab isaga baxday muddo hal sano laga joogo.

Ururka SYAO ayaa bilihii ugu dambeeyey waday ololayaal uu dhallinyarada uug baqabanayo ciyaaro kubadda cagta ah si ay dib ugu soo laabtaan garoommada kubadda cagta, waxaana ururku uu horay ciyaaro noocan oo kale ah ugu qabtay gobollada Shabeellada Dhexe, Bay, Bakool iyo Hiiraan.












Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya