4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 17, 2013
Ururka dhallinyarada Xeraale oo Xuska Sanadguradoodii Sadexaad ku qabtay Magalaada Nairobi ee Dalka Kenya (SAWIRRO)
20130414_180746.jpg

Arbaco, April 17, 2013 (HOL) - Ururka dhalinyarada Xeraale oo xafiisyo ku leh wadamo kala duwan, oo ku yaala dunida, ayaa u dabaal dagay sanadguuradii sadexaad ee kasoo wareegatay markii la aasaasay.
20130414_180533.jpg


Waxaana xafladan sanadguurada afraad oo ka dhacday magaalada Nairobi kasoo qaybgalay qaybaha kala duwan ee bulshada.

Dadkii ka hadlay kulankaas ayaa dhammaantood ka hadlay shaqooyinka ay qabteen ururka Herale Youth Alliance oo ka shaqeeya arrimaha la xiriira horumarka bulshada iyagoo dhalinyarada ururkana ku dhiiri galiyay inay sii wadaan shaqooyinka ay u hayaan bulshada.

Xoghaya ururkan C/rizaaq Maxamed Axmed Hogane oo ka hadlay goobtaasi ayaa sheegay inay sanadihii uu ururkoodu dhisnaa ay xoogga saareen wacyi galinta bulshada, gaar ahaanna dhinacda waxbarashada iyo caafimaadka.

Waxaana uu ka codsaday dawlada federaalka ah ee Soomaaliya inay wax ka qabato adeegyada aasaasiga ah ee degmada Xeraale iyo deegaanada kale ee gobolka Galguduud.

Sidoo kale waxaa isna halkaasi hadal ka jeediyay gudoomiye ku xigeenka ururka Axmed Maxamuud Kudun iyo madaxa maaliyada C/qaadir Yuusuf Isxaaq oo labaduba ugu baaqay qurbo joogta inay door muuqda ka qaataan horumarinta deegaanada gobolka Galguduud, gaar ahaana Xeraale oo ay sheegeen inaysan ka jirin goobo caafimaad iyo kuwo waxbarasho.

Odayaal iyo siyaasiyiin kale oo iyaguna kulanka hadallo ka jeediyay ayaa ugu baaqay xukuumada Soomaaliya inay u dirto deegaanadaas dadka ku takhasusay miino saarista, iyagoo sheegay in sannadihii ugu dambeeyay ay 9 qof ku dhinteen miinooyin ku qarxay oo kamid haraagii dagaalladii sokeeye.

20130414_181626.jpg
20130414_180732.jpg
20130414_181633.jpg
20130414_181807.jpg
20130414_182005.jpg
20130414_182040.jpg

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya