4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 17, 2013
Telefishin ku hadlaya Afka Soomaaliga oo laga furay London (SAWIRRO)

Arbaco, Abriil 17, 2013 (HOL) — Munaasabad ay kasoo oo qayb-galeen qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaalida ee nool dalka Ingiriiska ayaa waxaa lagu daah furayey telefishin cusub oo la magac baxay KALSAN TV oo ka mid noqonaya  Telefishinnada ku hadla afka Soomaaliga ee fadhigoodu yahay London.

Munaasabaddan ayaa waxaa kasoo qayb-galay mas’uuliyiin, waxgarad, siyaasiyiin, culummo iyo haweenka Soomaaliyeed, kuwaasoo hadallo kala duwan ka jeediyay goobta.

Xubnihii goobta ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa agaasimihii hore ee TV-ga Qaranka, Cabdiraxman Rooble iyo madaxweynaha maamulka Ximan iyo Xeeb, Maxamed Cabdullaahi Tiicey waxayna ku bogaadiyeen maamulka Tv-gan cusub inay ka run sheegaan magaca ay sitaan ee ah KALSAN; waxaana sidoo kale ay uga digeen inay ka fogaadaan waxa walba oo dhib ka dhex-abuuri kara dadka Soomaaliyeed.

Wariye Cabdulqaadir Maxamed Cashir (Nadaara) oo ka mid ah wariyaasha Soomaalida ayaa ka mid ah wariyaaasha ka howlgalaya telefishinka cusub ee KALSAN.

Ugu dambeyn, waxaa halkaas khudbad ka kala jeediyay maamulaha iyo agaasimaha Tv-ga Khaliif iyo Xasan Durraan iyagoo u ballan-qaaday dadka Soomaaliyeed inay si wanaagsan oo cadaaladi ku dheehan tahay ay ugu shaqeyn doonaan; isla markaana ay qaadan doonaan fikirradooda wanaagsan.

Si kastaba ha ahaatee, Telefishinkan cusub ee KALSAN ayaa wuxuu ka mid noqondoonaa Tv-yada tirada badan ee sideedda ah oo ay Soomaalidu leeyihiin oo fadhigood yahay Magaaladan London ee dalka Britain, laakiin waxaa laga dhur-sugayaa wuxuu ka bedelo ama uu kusoo kordhiyo saaxada saxaafadda Soomaalida.






Ibraahim Baafo, Hiiraan Online
[email protected]
London, Birtain