4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 17, 2013
Hay’adda UNICEF oo sheegtay in Gudniinka Fircooniga ah uu ka sii Baaba’ayo Deegaanno ka tirsan Soomaaliya


Arbaco, Abriil 17, 2013 (HOL) — Hay’adda UNICEF ayaa sheegtay in caadada gudniinka fircooniga ah ee gabdhaha uu kusii yaraanaya deegaanno badan oo ku yaalla Soomaaliya, taasoo ay ku sheegtay warbixin ay soo saartay Salaasadii shalay.

Wabixintan ayaa lagu sheegay in deegaannada Puntland iyo Somaliland uu gudniinku ku yaraaday, iyadoo la sheegay in 75% aan gabdhaha yaryar ee xilligan lagu sameyn gudniin fircooni ah, halka 25% gabadhaha deegaannada fog-fog ku sugan lagu sameeyay gudniinkan.

Madaxa difaaca caruurta ee hay’adda UNICEF, Sheema Sen Gupta oo ka hadashay arrintan ayaa sheegtay in 28 deegaan oo ka tirsan Somaliland ay sheegeen inay ka gudbeen caadadan, ayna rajeynayaan in tiradan ay gaarto sannadkan illaa 60.

“Haddii aad weydiiso haweenka Soomaaliyeed sababta gudniinka fircooniga ah loogu sameeyo, waxay ku sheegayaan inay tahay caado diimeed. Balse ma ahan mid la xiriirta diinta waayo diinta Islaamku way kasoo horjeedaa gudniinkan,” ayay tiri Gupta.

Bishii December ee sannadkii hore Qaramada Midoobay waxay soo saartay qaraar looga joojiyo dunida oo dhan gudniinka fircooniga ah, kaasoo si aad ah looga isticmaalo weli dalal ku yaalla Afrika oo ay Soomaaliya ka mid tahay,

“Markii culummada diinta ay ku dhawaaqeen in caadadan ay tahay mid aan diinta Islaamka raad ku lahayn, dadku waxay billaabeen inay dhageystaan baaqyada ka imaanaya culummada,” ayay tiri Gupta oo sharraxasay sida ay ku dhacday in gudniinkan uu hoos uga dhaco deegaanno badan oo ka mid ah Soomaaliya.

Gudniinka Fircooniga ah ayaa waxaa laga isticmaalaa 28 waddan oo Afrika ku yaalla, waxaa kaloo laga isticmaalaan dalalka Yemen, Ciraaq, Malaysiya iyo Indooniisiyo oo ku yaalla Qaaradda Aasia. Sidoo kale waxaa laga isticmaalaa dalal yar oo ku yaalla Koonfurta Ameerika.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay sannadkii 2010 in 70 milyan oo gabadho iyo haween ah lagu sameeyay gudniinkan caalamka oo dhan, iyadoo ha’yadda caafimaadka adduunka ee WHO ay iyaduna sheegtay in 6,000 oo gabdhood lagu sameeyo gudniinka fircooniga ah maalin walba.

“Haweenka wax-bartay ee Soomaalida ah ee ku nool dalka Britain haddii la weydiiyo sababtay ay gabadhahooda ugu sameeyaan gudniinka fircooniga ah waxay kuu sheegayaan in haddii aysan gudin gabadhooda aysan helayn guur,” ayay tiri Gupta oo hadalkeeda raacisay. “Caadadan weli waxay kusii jirtaa cadaadis dhinaca bulshada ka imaanaya, dhqanka reer miyaga ayaa sidaas ahaa, balse markii ay dadku ogaadaan in caadadaas ay tahay mid xanuun badan dadku way ka tegi doonaan.”

Ugu dambeyn, Gupta waxay sheegtay in markii raga Soomaaliyeed aad weydiiso inay guursanayaan gabar aan la gudin, raggu waxay muujinayaan inaysan waxba ka ogeyn arrintaas, balse haweenku ay iyagu leeyihiin go’aanka gudniinka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya