4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 16, 2013
Xarakada Al-shabaab oo ku Hanjabtay in Magaalada Muqdisho ay mar kale ka geysan Doonto Weerarro culus


Talaado, Abriil 16, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa ku hanjabtay inay weerarro cusub ay ka geysanayso magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya, maalin kaddib weerarro ay ku dhinteen 30-qof oo Al-shabaab ay ku qaaday dhismaha garsoorka Soomaaliya oo xarum ah maxkamadaha kala duwan ee dalka.

Al-shabaab waxay hanjabaaddeeda ku sheegtay inay beegsan doonto xarumo kale oo ay dowladdu ku leedahay Muqdisho inkastoo aysan tilmaamin, iyadoo hanjabaaddan ay imaanayso xilli ay madaxda dowladdu  sheegeen inay qaadayaan tallaabooyin ay ku adkeynayaan ammaanka guud ee Muqdisho.

“Weerarradii dhacay Axaddii waxay ahaayeen kuwo meesha looga saarayay riyooyinka dowladda maqaar-saarka ah. Weerarro kale ka xooggan kuwaas ayaana qorshenaynaa,” ayuu yiri afhayeenka howgallada ee Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo la hadlay warbaahinta.

Abuu-Muscab ayaa sheegay in dhawaan ay dhici doonaan weerarro kale, balse ma uusan sheegin meelaha ay toos ula beegsan doonaan, isagoo sheegay inay ka go’an tahay inay dagaallada sii wadayaan inta dowladda Soomaaliya ay meesha ka saarayaan.

Weerarkii Axaddii ka dhacay xarunta garsoorka dalka ee ay deggen yihiin maxkamada ayaa waxaa fuliyay sida ay Al-shabaab sheegtay shan ka mid ah dagaalyahanadooda sida gaarka ah u tababaran, balse dowladda ayaa sheegtay in raga weerarka qaaday ay ahaayeen sagaal qof, lix ka mid ahna ay isqarxiyeen.

Siyaasiyiin Soomaaliyeed oo uu ka mid yahay Maxamed Faarax Jimcaale ayaa muujiyay sida ay u adag tahay in Al-shabaab la cirib-tiro maadaama ay ku dhiiradeen inay fuliyaan weerarro noocan oo kale ah.

Dhanka kale, saacado kaddib weerarkii maxkamadaha ayaa waxaa baabuur miineysan lagu weeraray gaadiid ay wateen shaqaale Turki ah oo marayay jidka gala garoonka diyaaradaha Muqdisho, kaasoo Al-shabaab ay sheegtay inay mas’uul ka ahayd.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya