4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 16, 2013
Bam Gacmeed lagu Weeraray Saldhigga Booliiska Magaalada Baladweyne oo Fariisin u ah ciidamada Jabuuti ee AMISOM

Talaado, Abriil 16, 2013 (HOL) — Barqanimadii maanta ayaa laga maqlay gudaha magaalada Baladweyne qarax loo adeegsaday Bam kuwa gacanta laga tuuro ah oo lagu weeraray saldhiga booliiska magaalada Baladweyne oo fariisin u ah  ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midowgga Africa AMISOM.

Qof goobjooge ahaa waqtiga uu qaraxa dhacayay ayaa u sheegay HOL in wax uu u maleeyay Bam gacanta laga tuuray uu ku qarxay ilinka hore ee saldhiga booliiska magaalada Baladweyne xili ay halkaa ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Jabuuti.

Qaraxa kaddib ayaa waxaa mar kaliya la maqlay rasaas culus oo dhaceysa, taasoo qal qal iyo baqdin ku abuurtay dadka magaalada gaar ahaan kuwii ka agdhawaan saldhiga oo mar kaliya goobta ku kala cararay.

Inta la og-yahay qaraxa waxaa uu dhaawac fudud ka soo gaaray qof dumar ah oo xiligaa ku sugneyd goob aan ka fogeyn halka uu qaraxa ka dhacay, mana jirto cid kale oo wax ku noqotay inta la og-yahay ilaa iyo waqtigan.

Sidoo kale, saraakiisha ciidamada Jabuuti iyo kuwa maamulka gobollka Hiiraan mid kama hadllin qaraxa oo noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo lagu bartilmaameedsado mid ka mid ah saldhigyada  ciidamada  Jabuuti ay ku leeyihiin magaalada Baladweyne.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya