4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 16, 2013
Hay'adaha Samafalka oo loogu baaqay inay kaalmo la gaaraan dadka Barakac ahaanta ku jooga Degmada Luuq ee Gobolka Gedo
Talaado, April 16, 2013 (HOL) :- Maamulka dowladda Soomaaliya ee degmada Luuq ayaa ka deeyriyay xaaladda nololeed ee dadka barakacayaasha ah ee ku dhaqan degmada luug, iyadoona maamulku uu ugu baaqay hay'adaha samafalka in ay ka howlgalaan degmadaasi.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Luuq ahna kusimaha gudoomiyaha Mudane Nuur Xuseen Cali oo wareysi gaar ah siiyay shabakadda HOL ayaa sheegay in degmadaasi ay ka jirto xaalad biniaadanimo oo aad u liidata, wuxuuna ugu baaqay hay'adaha samafalka in ay usoo gurmadaan dadka ku dhibaateeysan degmadaasi iyo deegaanada hoostaga.

Masuulkani ayaa sheegay in ammaanka degmada Luuq uu yahay mid la isku haleyn karo islamarkaasina ay iyagu damaanad qaadayaa sugidda amniga hay'adaha iyo weliba cid walba oo gacan ka geysanaysa wax u qabashada dadka ku dhibaateeysan gudaha iyod aafaha degmadaasi, wuxuuna ka deeyriyay xaaladda nololeed ee dadka barakacayaasha ah ee ku nool halkaasi.

"Degmadan roobab badan baa ka da'ay, saameyn badan bayna ku yeesheen dadka ku nool halkan, waxaa laga cabsi qabaa in ay webiyada fatahaan oo ay dhibaato ku keenaan dalagyadii beeraha, Maciishadii oo iyadana sare usii kaceeyso maadaama ay istaageen gaadiidkii isaga kala gooshi jiray degmooyinka gobolka," ayuu hadalkiisii raaciyay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in gudaha degmada ay ku yaalaan ku dhawaad ilaa 300 oo Kaam oo ay ku jiraan dad kasoo barakacay gobollada Bay, Bakool iyo weliba qeybo katirsan gobolka Gedo, wuxuuna xusay in degmada ay ku suganyihiin hay'ado, balse wuxuu xusay in ay gargaarka ay bixiyaan uusan ahayn mid kaafin kara baahida dadka ku dhibaateeysan gudaha degmada iyo daafaheeda.

Qeylo dhaantan kasoo yeereeysa maamulka degmada Luuq ayaa kusoo beegmeysa iyadoo la gudo jiro xilli Gu'ga oo ah xilli inta badan gobollada dalka Soomaaliya ay ka da'aan roobab, waxayna roobabkani aalaaba saameyn ku yeeshaan dhaqdhaqaaqa gaadiidka ganacsi ee isaga kala goosha gobolllada dalka Soomaaliya, waxayna arintaasi saameeynta ugu badan ku yeelataa dadka danyarta ah, maadaama uu sare u kac xooggan ku yimaado qiimaha raashiinka iyo maciishadaha kala duwan ee lagama maarmaanka u ah nolosha dadka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya