4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 16, 2013
Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay oo Cambaareeyay Weerarradii ka dhacay Magaalada Muqdisho


Talaado, Abriil 16, 2013 (HOL) — Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo kulan ku yeeshay xaruntooda New York ayaa si kulul u cambaareeyay weerarradii ka dhacay Muqdisho Axaddii kuwaasoo ay ku dhinteen in ka badan 30-qof ayna mas’uuliyadooda sheeegatay Al-shabaab.

15-ka xubnood ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay waxay sheegeen inay diyaar u yihiin in tallaabo adag laga qaado kuwa dhaqankoodu khatarta ku yahay nabadda, deggenaashaha iyo ammaanka Soomaaliya.

Golaha ammaanka waxay ku celiyeen inay diyaar u yihiin inay qaybtooda ka qaataan sidii xal waara loogu heli lahaa Soomaaliya, gaar ahaan  dhinacyada amniga iyo dib u heshisiinta, iyagoo xusay in mar dhow Soomaaliya la geeyo howlgal cusub oo ka socda Qaramada Midoobay, kaasoo dowladda Somalia ka taageeraya dhinaca siyaasadda.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon oo isaguna hadlay ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay in ficilladii ka dhacay Muqdisho aysan waxba u dhimayn rabitaanka shacabka Soomaaliyeed oo ah inay helaan nabad iyo deggenaasho ka dhacda dalkooda.

Ban Ki-Moon wuxuu sheegay in Qaramada Midoobay ay ka go’an tahay inay taageerto shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda si ay ugu guuleystaan hadafkooda ah inay dunida tusaan Soomaalya oo nabad ah.

Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, danjire Augustine Mahiga oo isaguna cambaareeyay weerradaas qaraxyada ah ayaa wuxuu ku tilmaamay weerarradaas kuwo arxan-darro ah oo ay geysteen kooxo nabadda kasoo horjeeda.

Maalintii Axadda ahayd ee lasoo dhaafay ayaa waxaa xarunta maxkamadda gobolka Banaadir xoog ku galay rag hubeysan oo ka tirsanaa Al-shabaab, kuwaaso dhammaantood ku dhintay gudaha xarunta, waxaana sidoo kale ku dhintay dad fara badan oo tiradooda lagu sheegay 29-qof.

Al-shabaab ayaa sheegtay in weerarkan ay fuliyeen rag iyaga ka tirsan oo si gaar ah u tababaran, waxayna xuseen inay kaga hortagayeen garsoorka Soomaaliya oo ay ku sheegeen inuu wax ku xukumiyo shuruuc kasoo horjeeda diinta Islaamka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya