4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 16, 2013
Qaraxyo sababay khasaare Nafeed oo ka dhacay Magaalada Boston; Gobolka Massachusetts Dalka Mareykanka


Talaado, Abriil 16, 2013 (HOL) — Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay in ka badan 141 qof oo kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray laba qarax oo ka dhacay magaalada Boston ee gobolka Massachusetts ee dalka Mareykanka.

Weerarradan oo aan la ogeyn cid ka dambeysa iyo cid sheegatay ayaa waxaa lala beegsaday dad badan oo daawanayay ciyaaraha orodka dheer ee maradoonka loo yaqaan oo ka socday magaaladaas, iyadoo booliiska Boston ay xireen dhammaan goobaha muhiimka ah.

“Xaaladda magaalada waa kacsan tahay, waxaa la xiray waddooyinka muhiimka ah, dadkana waxaa lagu wargeliyay inay guryahooda iyo hoteellada ay deggen yiniin ku sugnaadaan,” ayay tiri Siciido Maxamed Maalin oo ka mid ah Soomaalida deggen Boston.

Siciido waxay sheegtay in meel ku dhow halkii loogu talogalay inuu orodku ku dhamaado ay qaraxyadu ka dhaceen, iyadoo sheegtay inay aragtay qof dhulka ku dhacaya iyo jug weyn, dabadeedna ay aaday gurigeeda.

Inkastoo aysan booliisku sheegin cidda ka dambeysay weerarradan ama ay ku tuhmayaan ayaa haddana waxay sheegeen inay socdaan baaritaanno ay ku raadinayaan kooxihii ka dambeeyay, waxaana laga digay in cid gaar ah lagu eedeeyo inta baaritaannadu ay socdaan.

Booliiska ayaa ku dhawaaqay in ganacsiga aan la fulin karin illaa berri xilliga Mareykanka, waxaana magaalada ka jira jaho-wareer badan, iyadoo dadkii u daawasho tagay ciyaaraha ay weli qaarkood ku xayiran yihiin goobihii ay ka daawanacyeen ciyaaraha, kaddib markii ay waayeen meel ay maraan.

Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama oo ka hadlay weerarradan ayaa ku tilmaamay kuwo laga naxo, balse wuxuu sheegay inay socdaan baaritaanno lagu raadinayo kooxihii ka dambeeyay, isagoo sheegay inaysan jirin cid ay ku eedeynayaan hadda.

Dadka ku dhintay qaraxyadan ayaa waxaa ku jira wiil yar oo 8-jir ah, iyadoo orod-yahannadii ka qaybqaadanayay maaradoonka oo kumannaan ahaa ay kala carareen markii ay qaraxyadu dhaceen.

Soomaali badan oo deggen magaalada Boston ayaa sheegay inay ku sugan yihiin guryahooda, ayna xaaladdu tahay mid kacsan oo aan la saadaalin karin sida ay isku bedeli karto.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya