4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 15, 2013
Madaxweynaha Puntland oo Cambaareeyay weerarkii lala beegsaday xarunta Maxkamadda Gobolka Banaadir ee Muqdisho

Isniin, Abriil 15, 2013 (HOL) — Maamulka Puntland ayaa canbaareeyey weerarkii khasaaraha badan dhaliyey ee shalay lagu qaaday xarunta maxkamadda gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxamaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa si aad ah loogu canbaareeyey weerarkaas oo lagu tilmaamay in uu ahaa mid waxashnimo ah.

Maamulka Puntland ayaa dhinaca kale tacsi u diray ehelada iyo asxaabta dhamaan dadkii weerarkaas ku geeriyoodey, iyagoo ilaah uga baryey in uu samir iyo iimaan ka siyo, kuwa dhaawaca ahna caafimaad ugu deeqo.

“Puntland waxay weerarkaas u aragtaa mid argagixiso isla markaasna looga gol leeyahay in lagu wiiqo jiritaanka iyo qaranimada Ummadda Somaliyeed. Sidaa awgeed ayaa Dawladda Puntland waxay ugu baaqaysaa Shacabka Somaliyed in ay meel oga soo wada jeestaan sidii loo soo afjari lahaa, kooxaha argagixisada ah ee hortaagan nabadda,xasiloonida iyo horumarka ummadda Somaliyeed” war-saxaafadeedka ayaa sidaas lagu yiri.

Dhinaca kale, wasiiru dowlaha madaxtooyada iyo maamul wanaagga ee Puntland Maxamed Faarax Ciise (Gaashaan) oo isna maanta warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in ujeedada weerarkaasi ay ahayd in la dabar jaro dadka bulshada wax ku oolka u ah.

“Shalay wax aad looga naxo ayaa Muqdisho ka dhacay…ujeedaduna waxay ahayd in la laayo dadka bulshada indhaha u ah, si ay isugu soo haraan dad aan waxba ogeyn…arintaasna dowladda Puntland aad ayey u canbaareyneysaa” wasiir gaashaan ayaa yiri.

Weerarkii shalay lagu qaaday xarunta maxkamadda ee magaalada Muqdisho, islamarkaana ay mas’uuliyadiisa sheegatay xarakada Al-shabaab, waxaa ku geeriyoodey 25qof in ka badan 40 qof oo kalena way ku dhaawacmeen.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Punltand, Soomaaliya