4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 15, 2013
AFHAYEENKA AL-SHABAAB: “Weerarkii lagu Dilay Turkida wuxuu Farriin cad u yahay shisheeyaha ku sugan Soomaaliya”


Isniin, Abriil 15, 2013 (HOL) — Afhayeenka Al-shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) ayaa sheegay in weerarkii lagu dilay samafalayaasha Turkiga ah ee ka dhacay Muqdisho ay iyagu ka dambeeyeen uuna farriin u yahay shisheeyaha ku sugan dalka Soomaailya.

Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in weerarkaas uu ahaa mid daba-socday weerarkii lagu qaaday maxkamadda gobolka Banaadir, wuxuuna xusay inay la beegsadeen kooxihii gurmadka u fidinayay ciidamadii dowladda ee ku sugnaa maxkamadda gobolka Banaadir.

“Camaliyadii ismiidaaminta ahayd ee lagu dilay labada Turkiga ah oo ka mid ahaa calooshood u shaqeystayaasha sida gardarrada ah ku jooga Soomaaliya waxay farriin cad u tahay shisheeyaha kale ee dalka ku sugan,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere, isagoo intaas ku daray in weerarradaas oo dhan ay ahaayeen kuwo lagu guuleystay.

Qaraxa lagu dilay shaqaalaha Turkiga ah ayaa waxaa lagu fuliyay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, waxaana sidoo kale qaraxaas ku dhintay haweeney iyo qofkii weerarka fuliyay.

“In badan ayaa u sheegtay dalalka ay caruurtooda Soomaaliya joogaan inay kala baxaan, haddii kale iyagoo mayd iyo dhaawac ah dib loogu soo celin doono,” ayuu yiri afhayeenka Al-shabaab oo ku goodiyay inay sii wadayaan weerarrada nooca oo kale ah.

Dilka samafalayaasha u dhashay dalka Turkiga ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo Muqdisho loogu geysto tan iyo markii ay howlaha samafalka ka billaabeen Muqdisho sannadkii 2011.

Magaalada Muqdisho ayaa ammaankeedu aad uga soo raynayay labadii sano ee ugu dambeysay, inkastoo ay ka dhacayeen falal isugu jira qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay geysanayaan xoogag taabacsan Xakarada Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya