4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 11, 2013
Kulan caalami ah oo looga Hadlay Dhibaatooyinka Burcad-badeeda oo Maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho

Khamiis, Abriil 11, 2013 (HOL) — Kulan looga hadlayay dhibaatooyinka burcad-badeedda ayaa maanta lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, kaasoo ay kasoo qaybgaleen mas’uuliyiin caalami ah, wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya iyo quburo ku xeel-dheer arrimaah burcad-badeedda.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay warbixin la diyaarinayay shanti sano ee lasoo dhaafay tasoo ku saabsanayd arrimaha burcad-badeedda waxayna warbixintu qeexaysay saameynta iyo dhaawaca dhaqaale ee ay burcad-badeednimadu geysato.

Wakiilka bankiga adduubka ee Afrika, Ms. Ms.Bella Bird oo kulanka ka hadashay ayaa sheegtay in warbixintan laga sameeyay burcad-badeedda ay muhiim u tahay xallinta la-dagaallanka burcad-badeedda, iyadoo sheegtay in bankiga adduunka oo kaashana beesha caalamka uu gacan ka geysanayo dhismaha Soomaaliya taageero buuxdana uu siinayo dowladda Soomaaliya.

Wasiirka kheyaadka dalka, Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa tilmaamay in xukuumadda Soomaaliya ay abuureyso hab lagu badbaadinayo kheyraadka ku jira badaha Soomaaliya, isla markaana taageerada Adduunka ay lagama maarmaan tahay.

Sidoo kale, wasiirka garsoorka, cadaaladda iyo arrimaha diinta, Cabdulaahi Abyan Nuur ahna ku simaha ra’iisul wasaaraha oo isna kulanka ka hadlay ayaa sheegay in xallinta burcad-badeednimada uu ku imaan karo oo keliya in la dhiso ciidamada badda Soomaaliya, isagoo intaas ku daray in dowladda fedeaalka Soomaaliya ay qaadday waddo kasta oo meesha looga saarayo burcad-badeednimada.

Doodo iyo su’aalo ayaa la isku dhaafsaday ka hor intii aan lasoo xirin shirka, iyadoo wakiillladii ka socday Mareykanka iyo hay’adaha kale ay si isku mid ah u miijiyeen taageerada ay u hayaan dowladda Soomaaliya; si looga hor-tago burcadeednimada, waxaana warbixintii halkaasi lagu soo bandhigay ku jirtay in shantii sanno ee lasoo dhaafay uu hoos dhac weyn ku yimid falalkii burcadbadeednimo ee ka dhici jiray badaha Soomaaliya, balse dhaqaalihii uu adduunka Soomaaliya ku taageeri lahaa ay sameeyn ku yeesheen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya