4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 10, 2013
Golaha Wasiirrada Puntland oo ansixiyay gobol cusub oo lagu daray gobollada Puntland iyo Degmooyin la magacaabay

Arbaco, Abriil 10, 2013 (HOL) — Golaha wasiirrada ee Puntland ayaa shirkoodii todobaadlaha ahaa asbuucan ku meel mariyey gobol cusub oo lagu soo daray gobollada Puntland iyo degmooyin cusub oo la magacaabay.

Gobolka cusub oo loo bixiyey magaca Gardafuuy, islamarkaana ay magaala madaxdiisu noqon doonto degmada Caluula oo horay gobolka Bari uga tirsaneyd, ayaa dhacaya cirifka waqooyi-bari ee Soomaaliya.

Waxgaradka iyo siyaasiyiinta deegaanada xeebta kulaala ee horay gobolka bari uga tirsanaa hadase gobolka Gardafuuy laga dhigay, ayaa talaabadan ku tilmaamay mid soo dhoweyn mudan.

Dhinaca kale; golaha wasiirada ayaa ogolaaday in degmooyin laga dhigo afar magaalo oo ka kala tirsan gobollada Mudug, Haylaan, Sanaag iyo gobolka cusub ee Gardafuuy. Afartaas degmo ayaa kala ah Ceelaayo, Towfiiq, Murcanyo iyo Buraan.

Dhawaan ayaa la filayaa in baarlamaanka la horgeeyo gobolka iyo degmooyinka cusub ee lagu soo kordhiyey dhulka ballaaran ee uu ka arimiyo maamul goboleedka soomaaliyeed ee Puntland.

Haddii gobolka Gardafuuy iyo degmooyinkan afarta ah si rasmi ah loo dhaqan geliyo, waxay tirada gobollada Puntland noqonayaan 9 gobol iyo 41 degmo, halka ay horay tirada gobolladu ka ahayd 8 gobol degmooyinkuna 37.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya