4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 1 , 2013
Nin kasoo jeeda Gal-mudug oo Muddo Afduub ahaan loogu Haystey Garoowe oo dib Xoriyadiisa dib loogu soo celiyay

Isniin, Abriil 01, 2013 (HOL) — Nin lagu magacaabo Cabdulaahi Cabdulqaadir Warsame oo muddo 19 maalmood ah afduub loogu haystey magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, ayaa shalay dib xoriyadiisa u helay.

Ninkan oo 12-kii bishii hore ee March laga afduubtay gudaha magaalada Garoowe, ayaa qaar kamid ah kooxdii uu u afduubnaa oo warbaahinta la hadlay ay sheegeen in ay afduubkiisa uga jawaabayeen, afduubka nin lagu magacaabo C/qaadir C/laahi Xaaji Cismaan oo kasoo jeeda gobolka Nugaal, kaasoo lagu haysto dhinaca Gal-mudug.

C/qaadir C/laahi Xaaji Cismaan ayaa waxaa gobolka Mudug ka qafaalay koox dabley ah oo ay hayb wadaagaan Cabdirisaaq Xuseen Tahliil oo isagu kasoo jeeda Gal-Mudug, dhowaanna ay maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ku xukuntay dil toogasho ah, kadib markii lagu soo eedeeyey in uu ka tirsanaa xarakada Al-shabaab.

Qorshaha Cabdulaahi Cabdulqaadir Warsame dib xoriyadiisa loogu soo celiyey ayaa waxaa iska kaashaday dowladda Puntland, isimada iyo qaar kamid ah culimaa’uddiinka waaweyn ee Puntland.

Wuxuuna mar uu si kooban warbaahinta ula hadlay sheegay in uu si aad ah ugu faraxsan yahay qaabka wanaagsan ee lagu sii daayey, isagoo dhinaca kale ugu baaqay dableyda dhinaca Gal-mudug ku haysata C/qaadir C/laahi Xaaji Cismaan, in ay sidaas si lamid ah usii daayaan.

Laga soo bilaabo 17-kii bishii November ee sanadkii hore, markaas oo ahaa xilligii ay ciidamada Puntland magaalada Gaalkacayo ku qabteen Cabdiqaadir Xuseen Tahliil, waxaa la afduubtay ugu yaraan 6 qof, kuwaas oo dhamaantood kasoo jeeda Puntland.

Dadaalo badan oo ay sameeyeen waxgaradka iyo cuqaasha gobolka Mudug iyo labada maamul ee Puntland iyo Gal-mudug ayaa sahlay in 5 qof oo dadkaas kamid ahi ay dib xoriyadooda u helaan, haseyeeshee waxaa weli dhinaca Gal-mudug lagu haystaa C/qaadir C/laahi Xaaji Cismaan, kasoo dableyda haystaa ay sheegeen in ay sii deynayaan marka ay Puntland dib xoriyadiisa ugu soo celiso Cabdirisaaq Xuseen Tahliil.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya