4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 9 , 2012
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ku baaqay in laga qayb-qaato sugidda Ammaanka inta doorashadu socoto
Axad, September 09, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamanaka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ka qaybqaataan ilaalinta ammaanka inta lagu jiro doorashada madaxnimo ee dalka, isagoo sheegay in doorashadan ay tahay fursad taariikhi ah oo loo baahan yahay inaan la khasaarin.


Prof. Jawaari oo saxaafadda la hadlayay ayaa sheegay in baarlamaanka uu yahay mid ka tarjumaya rabitaanka shacabka, balse shacabka looga baahan yahay inay xil iska saaraan sidii ay qaybtooda uga qaadan lahaayeen ilaalinta ammaanka guud ee dalka.

"Rabaatiaanka shacabka waa in la ixtiraamaa, golaha shacabka wuxuu ka tarjumayaa rabitaanka shacabka, sidaa daraadeed muwaadin kasta waxaan ka codsanayaa inuu is xilqaamo, waayo ammaanka ma ahan in ciidamada oo keliya ay ilaaliyaan, balse idinkana xil baa idinka saaran," ayuu yiri Prof. Jawaari oo shacabka la hadlayay.

Maalinta berri ah oo ay bishan September ku beegan tahay 10-ka ayaa waxaa lagu wadaa in Muqdisho ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha Soomaaliya markii ugu horreysay muddo 42-sano ka badan, waxaana maanta socda diyaargarowgii ugu dambeeyay ee loogu jiro qabsoomidda doorashadaas.

Afhayeenka baarlamanka wuxuu sheegay in qorshahooda uu yahay sidii ay kusoo celin lahaayeen sharaftii ay Soomaaliya ku lahayd dunida, isagoo xusay in meelaha qaarkood laga xishoodo Soomaalinimada, ayna taas meesha ka saari doonaan oo ay ka shaqeynayaan sidii qofka Soomaaliga ah uu ixtiraam dunida uga heli lahaa.

Dhanka kale, Prof. Jawaari wuxuu kula dardaarmay fannaaniinta Soomaaliyeed inay ka shaqeeyaan guubaabinta shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinaca nabadda iyo horumarka dalka, isagoo xusay inay fannaaniintu yihiin kuwo uu saaran yahay xil weyn.

Su'aal ahayd hadal kasoo baxay Puntland oo ahaa in haddii doorashada la musuq-maasuqo ay go'aan qaadan doonto ayuu kaga jawaabay: "Puntland Soomaaliya ayay ka mid tahay, doorashada waxay u dhacaysaa si xaq ah qofkii kusoo baxa ayaana Soomaaliya oo dhan hoggaamin doona."

"Way dhici kartaa in la isbiirsado oo koox-koox la isku raaco, balse waxaan kula taliyay xildhibaannada baarlamaanka inay murashax walba ku qiimeeyaan barnaamijiisa siyaasadeed," ayuu afhayeenka baarlamaanku ku yiri shirkiisa jaraa'id.

Ugu dambeyn, mar la weydiiyay in xildhibaannadii horay loogu diiday inay ka mid noqdaan baarlamaanka ay ka qaybgalayaan doorashada madaxweynenimo ee ka dhacaysa dalka berri oo Isniin ah ayaa sheegay in xubnahaas ay u bixiyeen guddi ayna ka war-sugayaan guddigaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya