4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 9 , 2012
Soomaali lagu dhaawacay duleedka Cape-Town ee dalka Koonfur Afrika iyo go'aanno laga soo saaray kulanka Ammaanka Soomaalida looga hadlay
Axad, September 09, 2012 (HOL) — Inta la xaqiijiyey lix ruux oo Soomaali ah iyo nin Itoobiyaan ah ayaa lagu dhaawacay tuullada Mfuleni oo 40-km u jirta magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika, kaddib markii habeen hore ay dukaamo halkaas ku yaallay weerareen kooxo burcad u dhashay dalka Koonfur Afrika.


Goobjoogayaal Soomaali ah ayaa sheegay in lagu boobay 11 dukaan oo toban ka mid ah ay lahaayeen Soomaali, halka midka kalena uu lahaa ruuxa Itoobiyaanka ah ee la dhaawacay, waxaana weerarkan fuliyay kooxo bastoolado ku hubeysan oo si caadi ah goobta uga baxsaday ka hor intii aysan soo gaarin ciidammo gurmad ahaa.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii falal noocan oo kale ah oo lagu dhaawacay afar ruux oo Soomaali ah ay ka dhaceen isla deegaanka Mfuleni oo ka mid ahaa jiray tuulooyinka ugu nabdoon Cape Town.

Dhacdadan cusub ayaa kusoo beegmaysa xilli kulan looga hadlayay adkeynta ammaanka Soomaalida ay mas’uuliyiinta Jaaliyadda Soomaalida la qaateen saraakiisha sar-sare ee hay’adaha ammaanka gaar ahaan booliska Cape Town.

Cabdweli Sheekh C/raxmaan oo ah xoghayaha guud ee (Somali Comunity Board of South Africa) oo hormuud u ahaa Soomaalida ka qaybgashay kulankaasi ayaa sheegay in waxyaabaha la isku afgartay kulankaasi ay ka mid ahaayeen:
  1. In waqti go'an loo yeelo xilliga la xirayo dukaamada Soomaalida.
  2. In muraayadaha aanu xabadda karin lagu xiro afaafka hore ee dukaanka.
  3. In albaab labaad loo sameeyo dukaamada si loo helo irid laga bixi karo haday musiibo timaado (Emergency Exit).
  4. In laba qof ay kawada shaqeeyaan dukaamada laga billaabo galabtii illaa habeenkii xilliga la xirayo.
Waxaa sidoo kale Cabdiweli uu sheegay in kulankaasi lagu magacaabay guddi isku-dhaf ah oo Soomaaliyeed kuwaasoo xiriir wadashaqeeneed la yeelanaya ciidamada booliiska Koonfur Afrika, si looga hortago dhagar-qabayaasha caadaystay inay dhib u geystaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Dhanka kale, ciidamada booliiska Koonfur Afrika ayaa lagu eedeeyay in marka ay u soo gurmadaan Soomaalida ay ka qaataan ka qaata dukaaadooda wixii ay doonaan iyadoo aan loo ogolaan.

Saddexdii bilood ee la soo dhaafay ugu yaraan 13-qof oo Soomaali ah ayaa lagu dilay deegaannada Philipy, Mfuleni, Khaylitsha, Yanga, Stelenboch iyo tuulooyin kale oo dhammaantood hoos-yimaada magaalo-xeebeedda Cape Town oo ay daggan yihiin Soomaalida ugu badan ee dalka Koonfur Afrika ku nool.

Cabdirisaaq Indha Jaceyl
[email protected]
Cape Town, Koonfur Afrika