3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 7 , 2012
Midowga Dhalinyarada Soomaaliyed oo Siminaar u qabtay Haweenka ku nool degmada Lafoole ee Duleedka Muqdisho
Sabti, September 08, 2012 (HOL) — Midowga Dhalinyarada Soomaaliyeed ee UYS ayaa maanta siminaar looga hadlayay gargaarka bani'aadanimada ku qabatay deegaanka Lafoole ee gobolka Shabellaha Hoose, kaasoo ay ka qayb-galeen mas'uuliyiin ka tirsan dowladda iyo saraakiil ciidan.
 





Ugu horreyn waxaa ka hadlay guddoomiyaha deegaanka Lafoole, C/llaahi Jaamac Siyaad oo uga mahadceliyay haya'dda UYS dadaalkeeda ku aadan horumarinta bulshada iyo wacyi-gelinta, isagoo xusay in loo baahan yahay in siminaarada ceynkan oo kale ah lagu qabto deegaanadii horay loogu barakacay oo haatan mid ka mid ah degmo loo aqoonsaday.
 
Waxaa uu sheegay in dhibaatooyin fara badan ay ka jirtay degmada Lafoole, xilligii ay dadka u soo barakaceen, waxaana uu xusay in gargaarka bani'aadanimda laga horistaagay dadka deegaanada u dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye u soo barakacay.
 
"Halkan markii ay joogeen Nimankii Shabaab ahaa waxaa ogtihiin inay dadka cadaadis ku hayeen, waxayna ahaayeen kuwo aan naxeyn, waxay ka wadeen lacago iyo dhaqaalo ay dadka xoog uga qaadan jireen, iyagoo dhinaca kale u diidayay gargaarka bani'aanimada"ayuu yiri C/llaahi Jaamac.
 
Guddoomiyaha haweenka UYS, Deeqo C/qaadir Axmed ayaa sheegtay in Lafoole ay horay u aheyd deegaan dadka ay kusoo barakaceen, isla markaana ay saameeyeen dagaaladii ka dhacay, waxaana ay tibaaxday in dadka ay u baahan yihiin gar-gaar bani'aadanimo.
 
"Shalay waxay dhihi jireen hay'adaha sama falka ma tagi karno Lafoole iyo deegaanada kale, maanta waa nabad waana laga xoreeyay kooxihii nabad diidka ahaa"ayay tiri Deeqo C/qaadir oo dhinaca kale ugu baaqday haweenka ku dhaqan Lafoole inay ka shaqeeyaan ammaanka iyo nabadgelyada deegaanka.

Sidoo kale waxaa ka hadlay siminaarka guddoomiye ku-xigeenka dhinaca ammaanka Lafoole, Salaad Aadan Cali oo sheegay in ammaanka degmada uu wanaagsan yahay, isla markaana ay soo dhoweynayaan in Hey'adda ay si joogta ah ugu qabato kulamada.
 
Mid ka mid ah waxgaradka degmada oo isna ka hadlay siminaarka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ka wadaan degmooyinka Gobolada in caruurta ay ka aruuriyaan Dugsiyada Quraanka, waxaana uu xusay in caruurta ay u adeegsanayaan dagaalada.
 
Taliyaha guutada saddexaad ee ciidamada xoogga Soomaaliya Jen. Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaanle) ayaa sheegay in deegaanada loo barakacay ay la wareegeen dhamaadkii bishii May, waxaana uu tilmaamay in Al-Shabaab ay dadka ku beereen cabsi, isla markaana qofka ka soo hor-jeesta ay ugu hanjabayaan inay gowracayaan, isagoo ugu baaqay dadka ku nool deegaanada u dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye la shaqeeyaan Ciidamada dowladda.
 
Waxaa uu sheegay in ciidamada AMISOM aysan sii joogi doonin deegaanada, isla markaana ay ka tagayaan, waxaase uu tilmaamay in loo baahan yahay in dadka deegaanka ay ka shaqeeyaan ammaanka iyo ciidamada, waxaana uu ugu dambeyn u mahadceliyay Hey'adda UYS oo dadka isu keentay, si ay u wacyi geliso.
 
Ugu dambeyn waxaa siminaarka hadalo ka jeediyay ka qeyb galayaasha, gaar ahaan Haweenkii ka soo qeyb galay oo sheegay inay ku faraxsan yihiin in loo qabto siminaarkii u horeeyay oo lagu wacyi geliyo, iyagoo xusay in kulamadan ay sare u qaadayaan is dhex galka bulshada.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya 












Click here
9/7/2012 5:31 AM EST
Jimco, September 07, 2012 (HOL) — Shacabka Soomaaliyeed ayaa waxay rajeynayaan inuu dalku geli doono jawi ka wanaagsan midda uu hadda ku jiro, kaddib doorashada madaxnimo ee Soomaaliya oo dhacaysa toddobaadka soo socda.

9/7/2012 5:10 AM EST
Jimco, September 07, 2012 (HOL) — Ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uga wakiilka ah arrimaha Soomaaliya, Danjire Augustine Mahiga ayaa xildhibaannada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya ugu baaqay inay soo doortaan hoggaamiye soo dhisi kara dowlad wanaagsan oo macquul ah sida hoggaanka mideysan ee baarlamaanka Soomaaliya.

9/7/2012 5:10 AM EST
Sabti, September 08, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya ee uu waqtigiisu uu sii dhammaanayo, Shariif Sheekh Axmed ayaa Muqdisho ka billaabay ololihiisa doorashada, isagoo kulammo kala duwan la leh xubno uu ka mid yahay afhayeenkii hore ee baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

9/7/2012 5:08 AM EST
Jimco, September 07, 2012 (HOL) — Ugu yaraan toddoba qof ayaa ku dhintay qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo xalay siyaabo kala duwan uga dhacay Magaalada Muqdisho, iyadoo lagu jiro xilligii ugu dambeeyay ee doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo dhici doonta toddobaadka soo socda.

9/7/2012 5:06 AM EST
Jimco, September 07, 2012 (HOL) — Toban Murashax oo ka mid ah 25-ka murashax ee u tartamaya doorashada madaxweynenimo ee Soomaaliya ayaa waxay maanta ka horjeedin doonnaan xidhibaannada baarlamaanka Soomaaliya barnaamijyadooda siyaasadeed oo ay doonayaan inay dalka ku hoggaamiyaan haddii ay ku guuleystaan doorashada madaxnimo.

9/7/2012 5:05 AM EST
Jimco, September 07, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Mareykanka, Barack Hussein Obama oo hadal ka jeediyay shirweynihii xisbiga Dimuqraadiga ee lagu soo gabgabeeyo magaalada Shalot ee gobolka North Carolina ayaa sheegay inuu aqbalay inuu xisbigiisa uga qaybgalo doorashada madaxnimo ee Mareykanka oo dhacaysa bisha November ee sannadkan.

9/7/2012 5:03 AM EST
Jimco, September 07, 2012 (HOL) — Haweeney ayaa ku dhimatay laba qof oo kalena way ku dhaawacmeen kaddib bam-gacmeed xalay lagu weeraray goob ganacsi oo ku taalla isgoyska cunaaye ee xaafadda Bardaale ee degmada Baydhabo, iyadoo kooxaha weerarka geystay ay goobta ka baxsadeen.

9/7/2012 5:02 AM EST
Jimco, September 07, 2012 (HOL) — Soomaalida ku ganacsada dalka Koonfur Afrika ayaa ka cabanaya dhac xilliyada habeenkii ah ay u geystaan kooxo budad ku hubeysan, kuwaasoo ka mid ah dadka deegaannada ay ganacsiga ku haystaan, sida ay sheegeen ganacsatada Soomaaliyeed qarkood.