4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 7 , 2012
Dilal siyaabo kala duwan xalay uga dhacay Muqdisho iyo Qaraxyo lagu weeraray Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda

Jimco, September 07, 2012 (HOL) — Ugu yaraan toddoba qof ayaa ku dhintay qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo xalay siyaabo kala duwan uga dhacay Magaalada Muqdisho, iyadoo lagu jiro xilligii ugu dambeeyay ee doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo dhici doonta toddobaadka soo socda.

Qaraxyada oo ay ku dhinteen afar qof oo laba ka mid ah ay ahaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo laba qof oo shacab ah ayaa waxaa lala kala beegsaday ciidammo ka tirsan kuwa dowladda oo ku sugnaa degmada Dayniile iyo gaadiid ay wateen ciidamada AMISOM oo marayay isgoyska ex-koontarool Balcad ee degmada Huriwaa.

Inkastoo aan la ogeyn khasaaraha gaaray ciidamada AMISOM ayaa haddana wuxuu qaraxu oo ahaa miino dhulka lagu aasay khasaare xooggan gaarsiiyay mid ka mid ah gadiidkii lagu weeraray, waxaana howgallo qaraxa kaddib la sameeyay lagu qabqabtay dhallinyaro fara badan.

Dhanka kale, saddex qof oo rayid ah ayaa xalay siyaabo kala duwan loogu dilay Muqdisho iyadoo dilalkooda ay ka dambeeyeen kooxo bastoolado ku hubeysan, kuwaasoo goobta ay dilalka ka geysteen ka baxsaday.

Xarakada Al-shabaab ayaa horay u sheegtay inay dagaalyahanno iyada taabacsan ku sugan yihiin magaalada Muqdisho, iyadoo horay ugu hanjabtay inay beegsan doonan cid walba la shaqeysa ciidamada AMISOM iyo dowladda Soomaaliya.

Habeen hore ayaa waxaa duleedka Muqdisho ka dhacay dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogag hubeysan oo la rumeysan yahay inay Al-shabaab ka tirsan, inkastoo kooxahaas ay dib ugu laabteen goobihii ay ka yimaadeen dagaalka kaddib.

Qaraxyadan iyo dilalkan qorsheysan ayaa waxay kusoo beegamayaan iyadoo booliiska dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ay shalay howgallo boqolaal qof lagu soo qabtay ka sameeyeen degmada Xamar-jajab ee gobolka Banaadir.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya