3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 7 , 2012
Toban Murashax oo Barnaamijkooda Siyaasadeed Maanta ka horjeedin doona xubnaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Jimco, September 07, 2012 (HOL) — Toban Murashax oo ka mid ah 25-ka murashax ee u tartamaya doorashada madaxweynenimo ee Soomaaliya ayaa waxay maanta ka horjeedin doonnaan xidhibaannada baarlamaanka Soomaaliya barnaamijyadooda siyaasadeed oo ay doonayaan inay dalka ku hoggaamiyaan haddii ay ku guuleystaan doorashada madaxnimo.

Kulanka ay murashaxiintu kula hadlayaan xildhibaannada ayaa wuxuu gallinka dambe ee maanta ka dhacayaa xarunta golaha shacabka ee Muqdisho, waxaana guddiga doorashadu ay sheegeen in murashax walba la siinayo 20-daqiiqo oo uu khudbadiisa kusoo koobo.

Murashaxiinta maanta oo Jimco ah jeedinaya khudbooyinkooda ayaa waxay kala yihiin:

  1. Prof. Axmed Ismaaciil Samatar
  2. Xuseen Khaliif Jaamac
  3. Maxamed Axmed Saalax
  4. Cabdullaahi AxmedCaddoow
  5. Maxamed Cabdullaahi Oomaar
  6. Sheekh Shariif Sheekh Axmed
  7. Cabdweli Maxamed Cali Gaas
  8. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo
  9. Salaad Cali Jeelle
  10. Cumar Salaad Cilmi

Sidoo kale, maalinta berri oo Sabti ah ayaa waxaa lagu wadaa inay barnaamijyadooda siyaasadeed ka horjeedin doona 15-ka murashax ee kale, iyadoo kulankaas uu furmi doono 9:00 subaxnimo.

Doorashada madaxweynenimo ee Soomaaliya ayaa waxay 10-ka bishan September ka dhacaysaa magaalada Muqdisho, iyadoo doorashadan oo ah mid aad u adag ay noqonayso tii ugu horreysay oo Muqdisho ka dhaca muddo 42-sano ah kaddib.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
9/7/2012 5:31 AM EST
Jimco, September 07, 2012 (HOL) — Shacabka Soomaaliyeed ayaa waxay rajeynayaan inuu dalku geli doono jawi ka wanaagsan midda uu hadda ku jiro, kaddib doorashada madaxnimo ee Soomaaliya oo dhacaysa toddobaadka soo socda.

9/7/2012 5:20 AM EST
Sabti, September 08, 2012 (HOL) — Midowga Dhalinyarada Soomaaliyeed ee UYS ayaa maanta siminaar looga hadlayay gargaarka bani'aadanimada ku qabatay deegaanka Lafoole ee gobolka Shabellaha Hoose, kaasoo ay ka qayb-galeen mas'uuliyiin ka tirsan dowladda iyo saraakiil ciidan.

9/7/2012 5:10 AM EST
Jimco, September 07, 2012 (HOL) — Ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uga wakiilka ah arrimaha Soomaaliya, Danjire Augustine Mahiga ayaa xildhibaannada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya ugu baaqay inay soo doortaan hoggaamiye soo dhisi kara dowlad wanaagsan oo macquul ah sida hoggaanka mideysan ee baarlamaanka Soomaaliya.

9/7/2012 5:10 AM EST
Sabti, September 08, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya ee uu waqtigiisu uu sii dhammaanayo, Shariif Sheekh Axmed ayaa Muqdisho ka billaabay ololihiisa doorashada, isagoo kulammo kala duwan la leh xubno uu ka mid yahay afhayeenkii hore ee baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

9/7/2012 5:08 AM EST
Jimco, September 07, 2012 (HOL) — Ugu yaraan toddoba qof ayaa ku dhintay qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo xalay siyaabo kala duwan uga dhacay Magaalada Muqdisho, iyadoo lagu jiro xilligii ugu dambeeyay ee doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo dhici doonta toddobaadka soo socda.

9/7/2012 5:05 AM EST
Jimco, September 07, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Mareykanka, Barack Hussein Obama oo hadal ka jeediyay shirweynihii xisbiga Dimuqraadiga ee lagu soo gabgabeeyo magaalada Shalot ee gobolka North Carolina ayaa sheegay inuu aqbalay inuu xisbigiisa uga qaybgalo doorashada madaxnimo ee Mareykanka oo dhacaysa bisha November ee sannadkan.

9/7/2012 5:03 AM EST
Jimco, September 07, 2012 (HOL) — Haweeney ayaa ku dhimatay laba qof oo kalena way ku dhaawacmeen kaddib bam-gacmeed xalay lagu weeraray goob ganacsi oo ku taalla isgoyska cunaaye ee xaafadda Bardaale ee degmada Baydhabo, iyadoo kooxaha weerarka geystay ay goobta ka baxsadeen.

9/7/2012 5:02 AM EST
Jimco, September 07, 2012 (HOL) — Soomaalida ku ganacsada dalka Koonfur Afrika ayaa ka cabanaya dhac xilliyada habeenkii ah ay u geystaan kooxo budad ku hubeysan, kuwaasoo ka mid ah dadka deegaannada ay ganacsiga ku haystaan, sida ay sheegeen ganacsatada Soomaaliyeed qarkood.