4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 6 , 2012
Booliiska Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo Howgallo lagu qabtay Boqolaal dhallinyaro ah ka sameeyay Magaalada Muqdisho
Khamiis, September 06, 2012 (HOL) — Booliiska dowladda Soomaaliya iyo booliiska AMISOM ayaa maanta howlgallo wadajir ah oo lagu soo qabqabtay boqolaal ruux oo dhallinyaro ah ka sameeyay degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir.

Taliyaha hay'adda nabadsugidda gobolka Banaadir, Col. Khaliif Axmed Ereg oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in howgalladan ay ahaayeen kuwo lagu xaqiijinayay ammaanka, ayna beegsadeen goobo ay tuhunsanayaayeen.

"Howgallo baaris ah oo ay booliiska Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ka sameeyeen degmada Xamarjajab, waxaa lagu soo qabqabtay 326 ruux oo 44-qof oo ka mid ah si weyn looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab," ayuu yiri Col. Ereg oo intaas ku daray in baaritaannadan ay socon doonaan inta ammaanka Muqdisho oo dhan laga xaqiijinayo.

Col. Ereg wuxuu sheegay in 44-qof ee ay aadka uga shakisan yihiin ay baaritaanno adag ku sameyn doonaan, intii kale ee dambiga lagu waayay ay sii daynayaan, isagoo sheegay in waxyaabihii ugu yaabka badnaa ee ay la kulmeen ay ka mid ahaayeen inay qabteen macallimiin masaajid ku barayay caruur yar-yar jihaadka iyo kuwo kalena oo hub ku haysta masaajidda.

"Macallimiinta aan qabannay waxay caruurta u sharraxayeen jihaadka iyo qaybihiisa runtiina waxay arrintaas ahayd mid aad nooga yaabisay," ayuu taliyuhu ku sheegay shirka jaraa'id ee uu ku faahfaahinayay howgallada ay sameeyeen.

Guddoomiyaha degmada Xamar-jajab, Maxamed Cali Maxamed oo isaguna la hadlay saxaafadda ayaa ku boorriyay dhalliiyarada degmadaas inay la shaqeeyaan ciidanka ammaanka si ammaanka degmada uu noqdo mid la isku halleyn karo.

Degmada Xamarjajab ayaa waxay dhowr boqol oo tallaabo u jirtaa madaxtooyada Soomaaliya iyo xarunta golaha shacabka oo lagu wado inay toddobaadka soo socda ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Waa markii ugu horreysay oo ciidamada AMISOM oo intooda badan ka socda dalka Uganda ay howgallo dad badan lagu soo qabqabtay ka sameeyaan Muqdisho, iyadoo howgallada noocan oo kale ah oo ay horay uga qaybqaadan jireen milateriga AMISOM.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya