4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 6 , 2012
Al-shabaab oo Magaalada Kismaayo kusoo bandhigtay Hub iyo Gaadiid ay sheegeen in ay ku qabsadeen dagaaladii Jubbooyinka
Khamiis, September 06, 2012 (HOL) — Xoogagga Al-shabaab ayaa maanta kusoo bandhigay magaalada Kismaayo hub iyo gaadiid dagaal oo ay sheegeen in ay kusoo qabsadeen dagaallo mudooyinkii ugu danbeeyay ka socday duleedka degmada Afmadow ee gobolka jubada Hoose.

Fagaaraha beerta xoriyadda ee bartamaha magaalada Kismaayo ayaa lagu soo bandhigay hubka iyo gaadiidka dagaal, waxaana goobta ku sugnaa boqollaal katirsan dadka ku dhaqan magaalada Kismaayo.

Goobjooge ku sugnaa goobta hubka lagu soo bandhigayay ayaa HOL u sheegay in masuuliyiin katirsan Al-shabaab oo goobta ka hadlay ay sheegeen in hubka iyo gaariga dagaal ay kasoo qabsadeen ciidamada Kenya, waxaana hubka goobta lagu soo bandhigay uu ahaa hubka noocyada fudfudud, gaadiid nooca dagaalka iyo weliba lacag Kenya.

Masuuliyiintii goobta ka hadashay ayaa sheegay in ay guulo la taaban karo ka gaareen dagaalladii ugu danbeeyay ee ka dhacay gobolka jubada hoose, waxayna ugu baaqeen shacabka reer Kismaayo in ay ka qeybqaataan dagaallada ay Al-shabaab ku dooneyso in ay kaga hortagto duulaanka kusoo fool leh Kismaayo.

Arintan ayaa kusoo beegmeysa xilli dhawaan xoogagga Al-shabaab ay magaalada Kismaayo kusoo bandhigeen meydadka afar qof oo laba kamid ah ay ahaayeen Soomaali, kuwaasoo ay sheegeen in ay kusoo dileen dagaal ka dhacay duleedka Afmadow.

Dhinaca kale waxa ay weli xiisad dagaal ka taagantahay deegaanka Miido oo hoostaga degmada Afmadow halkaasoo ay isku horfadhiyaan ciidamada huwanta ah iyo Al-shabaab, waxaana wararkii ugu danbeeyay ay sheegeen in xalay uu halkaasi ka dhacay dagaal qaatay saacado kooban oo dhexmaray labada dhinac.

Illaa iyo imika lama garanayo khasaaraha ka dhashay dagaalkii xalay, mana jiraan masuuliyiin katirsan dhinacyadii dagaalamay oo faahfaahin ka bixiyay.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya