4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 6 , 2012
Dagaal Beeleed Khasaare geystay oo ka dhacay deegaan ka tirsan Gobolka Galguduud ee bartamaha dalka Soomaaliya
Khamiis, September 06, 2012 (HOL) — In ka badan 10 ruux ayaa ku dhimatay tiro kale oo intaa ka sii badanna dhaawac ayaa ka soo gaaray dagaalo culus oo labo maleeshiyo beelleed ku dhaxmaray deegaannka lagu magacaabo Bangala oo ka tirsan gobollka Galguduud

Dagaallka oo bilaawday galinkii danbe ee maalintii shalay soona gaaray ilaa xalay fiidkii waxaa uu dhaxmaray labo maleeshiyo oo ka soo kala jeeda degmooyinka Caabud-waaq iyo Cadaado ee gobollka Galguduud, sida warbaahinta ay u sheegeen odayaasha iyo waxgaradka dhinacyada dagaallku dhaxmaray.

Nabadoon C/qaadir Cabdi Barre ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin dagaallka mar kale soo cusboonaaday, waxaana uu sheegay in waqtiga uu dagaallkani dhacayo ay u fadhiyeen odayaasha waxgaradka beellaha  sidii loo xalin lahaa colaada u dhaxeysa labada dhinac.

"Hadda intii dhimatay  waa ay dhimatay, waqtigoodii ayaana galay, waxaa loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo sidii looga hor tagi lahaa dagaal kale oo ay dad ku dhintaan," ayuu yiri C/qaadir Cabdi Bare.

Dhinaca kale, Suldaan Xassan Xaanshi oo ka mid ah odayaasha gobollka ayaa sheegay in ay ku howlanayeen sidii colaada loo joojin lahaa, islamarkaana ka xun yihiin waxgaradka dagaallka dhaxmaray labada beellood galinkii danbe ee shalay, waxaana uu ugu baaqay waxgaradka in ay u is tagaan joojinta colaada.

Marka la eego bartamaha dalka Soomaaliya gaar ahaan gobollka Galguduud waxaa inta badan ku soo noq noqda dagaallada beellaha oo ah kuwo marka aad dib u eegto salka ku haya muran la xiriira sidii loo wadaagi lahaa daaqa iyo biyaha, taasoo marka danbe keentay in beelluhu isku laayaan.

Waxgaradka iyo odayaasha inta badan isku howla sidii loo joojin lahaa colaada, laakiin haddana inta badan laguma guuleysto oo mar walba waxaa dib u soo noqda dagaallo sababa dhimasho iyo dhaawac.

C/raxmaan Diiini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya