4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 5 , 2012
Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo qabsaday deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada dhexe

Arbaco, September 05, 2012 (HOL) — Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ayaa sheegay maanta in ciidamadooda ay la wareegeen deegaanno ku yaalla xeebta bad-weynta Hindiya oo ay ka mid tahay Ceel-macaan oo ay ku taallo dekeda macmal ah oo ay sheegeen in Al-shabaab ay u isticmaali jirtay inay kala soo dagaan hbka iyo dagaalyahannada ajnabiga ah.

Afhayeenka maamulka gobolka Shabeellada dhexe ee dowladda Somalia, Daa'uud Xaaji Cirro oo saxaafadda la hadlay maanta oo Arbaco ah ayaa sheegay in shalay ay ciidamada isbahaysana xaqiijiyeen gacan ku haynta deegaannadaas isagoo u sheegay wariyeyaasha inay iska caabin aan badnayn la kulmeen.

"Qorshahan waa mid aan ku doonayno inaan ku xaqiijinno ammaanka deegaannada ku yaalla xeebta, aana ugu diyaar-garowno sidii aan ku gaari lahayn degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe," ayuu yiri afhayeenka maamulka Shabeellada dhexe.

Kama uusan hadlin afhayeenku khasaaraha ka dhashay dagaalka, balse wuxuu sheegay in xaaladdu ay tahay mid daggan ayna ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay si buuxda deegaanadaas gacanta ugu hayaan.

Dhanka kale, Taliyaha ciidamada AMISOM, Jen. Andrew Gutti oo warsaxaafadeed ay AMISOM soo saartay lagu soo xigtay ayaa sheegay in qabsashada ay qayb weyn ka tahay sidii ay u adkeyn lahaayeen ammaanka Muqdisho.

"La wareegidda goobahan waxay qayb weyn ka qaadanaysaa sugidda ammaanka Muqdisho, waxayna dadka ku nool u horseedaysaa inay dib noloshooda u dhisaan," ayuu yiri Jen. Gutti oo xusay in dekeda Ceel-macaan ay ahayd goob ay Al-shabaab kala soo dagto hubka.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo qayb ka ah kuwa gacanta siinaya ayaa waxay tan iyo sannadkan billowgiisii kala wareegeen Al-shabaab dhowr degmo oo muhiim ah, kuwaasoo ay ku jiraan Baladweyne iyo Baydhabo.

Ugu dambeyn, afhayeenka maamulka gobolka Shabeellada dhexe ayaa sheegay inay shacabka ku nool degmada Jowhar ka dalbanayana inay gacan kusii yaan ciidamada isbahaysanaya sidii ay kula wareegi lahaayeen gacan ku haynta degmada Jowhar oo ah xarunta gobolka Shabeellada dhexe.

Illaa iyo hadda ma jiro hadal kasoo baxay dhinaca Al-shabaab oo ku saabsan in laga qabsaday deeganno ku yaalla gobolka Shabeellada dhexe, inkastoo dadka ku nool deegaannadaas ay xaqiijiyeen in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku sugan yihiin deegaannadooda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya