3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 5 , 2012
Dalladda Dhallinyarada Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya ee (SOCSOYU) oo Qabtay Kulan uu ka Qayb-galay Yuusuf Garaad
Arbaco, September 05, 2012 (HOL) — Dalladda dhaliyarada bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya (South Central Somali Youth Umbrella) ayaa kulan weyn oo uu ka qayb-galeen arday iyo dadweyne fara badan ayaawaxay ku qabteen Muqdihso.





Kulanka ay soo qabanqaabisay dalladda SOCSOYU ayaa waxaa ka qaybgalay qaar ka mid ah ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta jaamacadaha Muqdisho ka furan, waxaana kulankaas su'aalo lagu weydiiyay kulankaas Yuusu Garaad oo ka mid ah murashaxiinta u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha daladda dhallinyarada ee Koonfurta iyo Bartamaha dalka, Maxamed Warsame San-dhool oo kulanka furay ayaa sheegay in daladda la aasaaasay muddo aad u fog ayna qabteen howlo fara badan oo lagu wacyi-gelinayo bulshada taasoo ay ka mid tahay in lagu jiheeyo sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen horumarinta dalkooda.

Xildhibaan Cabdi Abshir Dhoorre oo  ka mid ahaa mas'uuliyiinta jaamacadda ka mid ah kuwa ku yaalla Muqdisho in xildhibaannada baarlamaanka cusub ay ka go'an tahay inay soo doortaan hoggaamiye caddaalad ah, isla markaana ka samata-bixin kara dalka dhibaatooyinka ay ka mid tahay nabadgalyo xumada, sidoo kalena shaqooyin u abuurta dhallinyarada iyo ardayda Jaamacadaha kasoo baxaya.

Mudane Xasan Ceelaabe Faahiye oo ka mid ahaa dadkii wax ku bartay Jaamacadda ummadda Soomaaliyeed oo isagana ka hadlay kulanka ayaa sheegay inay wax ku soo barteen canshuurtii laga qaadayay shacabka Soomaaliyeed sidaa darteed ay hadda doonayaan inay gutaan waajibaadka lagu leeyahay, wuxuuna xusay inay ka go'an tahay inay la yimaadaan door muhiim ah oo ku aadan sidii dalka dhibaatada looga saari lahaa.

Sahro Macallin Bashiir oo ka mid ahayd ardaydii ka baxay Jaamacaddii Ummadda oo iyaduna kulanka ka hadashay ayaa sheegtay in haweenka Soomaaliyeed ay door muhiim ah ku leeyihiin wax ka qabashada dalka, waxayna sheegtey in 20-kii sano ee dagaalladu ka jireen dalka ay haweenku ahaayeen kuwa ka dhex-muuqda bulshada sida daryeelka qoyskooda, dib u heshiisinta, waxbarashada, waxayna ka codsatay Yuusuf Garaad inuu garab siiyo haweenka Soomaaliyeed maadaama ay ku dulman yihiin dhinaca Siyaasadda.

Ardayda wax-ka-barta Jaamcadaha Muqdisho sida: Simad, Soomaaliya, Badweynta Hindiya, Jazeera, iyo Banaadir oo kulanka ka hadlay ayaa u mahad-celiyay daladda dhallinyarada bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya, iyagoo su'aalo dhowr ah hor-dhigay Yuusuf Garaad.

“Haddii aan waayo xilka madaxwneynimo, waxaan doonyaa inaan u shaqeeyo dalka iyo dadka aniga ma ihi ruux marka uu wax waayo dib laabanayo waxaa iga go’an in aan dalka wax u qabto intii karaankeyga ah,” ayuu yiri Yuusuf Garaad oo su'aal la weydiiyay ka jawaabayay.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in haddii uu xilka madaxnimada dalka ku guuleysto uu horumarin doono waxbarashada jaamacadaha dalka, sidoo kalena uu dhallinyarada u abuuri doono shaqooyin.

Su'aal ahayd inuu wadahadal la furayo Al-shabaab iyo in kale ayaan si cad jawaab uga bixin, balse wuxuu sheegay inuu dhallinyarada Soomaaliyeed ah ee Al-shabaab ka tirsan uu ugu baaqayo inay hubka dhigaan, kuwa shisheeyaha ahna ay dalka ka baxaan.

Kulankan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo toddobaadka soo socda lagu wado inay ka dhacdo Muqdisho doorashada madaxweynenimo ee Soomaaliya oo xubnaha sida rasmiga ah ugu taagan ay caga-cageynayaan 37 xubnood.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
9/5/2012 12:13 PM EST
Arbaco, September 05, 2012 (HOL) — Guddiga doorashada madaxweynaha Somalia ayaa maanta shaaciyay magacyada murashaxiin buuxiyay shuruudihii looga baahnaa kuwaasoo ka mid ah 37 xubnood oo illaa iyo hadda gudbiyay araajidooda.

9/5/2012 8:49 AM EST
Arbaco, September 05, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB, Daahir Rayaale Kaahin ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay qoraal kasoo baxay guddida diiwaangelinta doorashooyinka madaxweynenimo ee Somaliland oo sharci-daro ku tilmaamay shirkii lagu doortay musharaxiinta doorshada madaxweynenimo ee Somaliland uga qaybgeli doona xisbiga UDUB oo kala ah, Cali Waran-Cadde iyo Axmed Xaaji Daahir.

9/5/2012 8:27 AM EST
Arbaco, September 05, 2012 (HOL) — Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ayaa sheegay maanta in ciidamadooda ay la wareegeen deegaanno ku yaalla xeebta bad-weynta Hindiya oo ay ka mid tahay Ceel-macaan oo ay ku taallo dekeda macmal ah oo ay sheegeen in Al-shabaab ay u isticmaali jirtay inay kala soo dagaan hbka iyo dagaalyahannada ajnabiga ah.

9/5/2012 3:58 AM EST
Arbaco, September 05, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo shalay galabta ku laabtay magaalada Hargeysa kaddib ka qaybgalkii aaskii ra'iisul wasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan cid walba oo kusoo baxda doorashada madaxweynenimo ee Soomaaliya.

9/5/2012 3:19 AM EST
Arbaco, September 05, 2012 (HOL) — Dadka ku dhaqan degmooyinka Maxaas iyo Moqokori 24-kii saac ee la soo dhaafay waxaa ay ku jireen gurmad xoog leh oo la xiriir bal sidii wax badan looga ogaan lahaa ugu danbeytii khasaaraha uu sababay dab habeen hore qabsaday dhul howd ah oo u dhaxeeya labada degmo.

9/5/2012 3:14 AM EST
Arbaco, September 05, 2012 (HOL) — Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Kenya ayaa duqeeyay Talaadadii shalay dekedda iyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo oo ah xarunta gobolka Jubbada Hoose, xilli ay degmadaas uga qaxayaan dagaallada awgood dad fara badan.

9/5/2012 3:14 AM EST
Arbaco, September 05, 2012 (HOL) — Ugu yaraan lix qof oo ay ku jiraan labadii dhinac ee dagaalamay ayaa ku dhintay dagaal culus oo xalay saqdii dhexe gudaha degmada Garbahaarey ku dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Al-shabaab.