3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 30, 2012
Maraakiib dagaal oo xalay duqeeyay Magaalada Kismaayo iyo Nabaddoon caan ah oo xalay lagu dilay degmadaas
Axad, September 30, 2012 (HOL) — Maraakiib nooca dagaalka oo la sheegay in ay leedahay dowladda Kenya ayaa xalay duqeymo ka geystay gudaha magaalaada Kismaayo, iyadoona aan ilaa imika la garanayn sababta keentay in Maraakiibtu ay duqeeyaan magaalada maadaama ay ka baxeen xoogaggii Al-shabaab ee gacanta ku hayay Kismaayo.

Maraakiibtan oo ku sugan nawaaxiga dekedda Caalamiga ah ee Kismaayo ayaa xalay fiidkii dhowr gantaal kusoo tuuray magaalada, waxaana mid kamid ah gantaalladaasi uu ku dhacay nawaaxiga isbitalka Kismaayo.

Illaa imika lama sheegin wax khasaarooyin ah oo ka dhashay duqeymahaasi, haseyeeshee duqeymaha ay xalay Maraakiibta dagaal ka fuliyeen Kismaayo ayaa cabsi iyo weliwel ku abuurtay shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo.

Dhinaca kale waxa isa soo taraya dilalka loo geeysanayo dadka rayid ah ee ku dhaqan magaalada Kismaayo, waxaana xalay fiidkii gudaha magaalada lagu dilay  Nabadoon Jeelle Qaalooti oo si weyn looga yaqaanay magaalada Kismaayo.

"Salaaddii Maqrib kadib ayaa nabadoonka lagu toogtay agagaarka masaajid ku yaal xaafada Aargada oo uu maqrib kusoo tukaday, waxaa toogtay niman baastoolado wato oo weji qarsaday,” sidaa waxa HOL u sheegay Max’ed C/laahi oo kamid ah dadka ku dhaqan magaalada Kismaayo.

Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa faraha kasii baxaya, waxaana dilka nabadoonkani uu noqonayaa dilkii 6-aad ee gudaha magaalada loogu geeysto qof rayid ah tan markii ay Al-shabaab isaga baxeen Kismaayo.

Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Jen Dhagabadan oo shalay warbaahinta ka hadlay ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya ay amar ku siiyeen in aysan gelin magaalada sababa jiro awgood, waxayna arintaasi keeni kartaa in ay kordhaan falalka amni darro ee ka dhacaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubada hoose.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya












Click here
9/30/2012 6:36 AM EST
Axad, September 30, 2012 (HOL) — Hal cunug ayaa ku dhintay, shan kalena way ku dhaawacmeen kaddib markii kooxo aan la garanayn ay bam gacmeed ku tuureen kaniisad ku taalla deegaanka Kamakuunji ee magaalada Nairobi oo ku taallo xaafadda Islii ee ay Soomaalidu deggen tahay.

9/30/2012 6:19 AM EST
Axad, September 30, 2012 (HOL) — Boqolaal dadweynaha ah oo deggen degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho ayaa maanta isu-soo-bax weyn ka dhigay degmadaas, kaasoo ay ku taageerayeen guulaha ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya ka gaareen dagaalka degmada Kismaayo.

9/30/2012 4:16 AM EST
Axad, September 30, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa saakay toogasho ku dilay mid ka mid ah ciidamada canshuuradaha ee degmada Baydhabo, kaasoo ay ku weerareen meel ku dhow guriisa oo ku yaalla xaafadda Bardaale, sida ay dad goobjoogayaal ah u sheegeen HOL.

9/30/2012 3:48 AM EST
Axad, September 30, 2012 (HOL) — Ururrada bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed ayaa kulan ay ku yeesheen Muqdisho afartii casho ee lasoo dhaafay iyo kulan kale oo ay la qaateen madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxay kasoo saareen warbixin ay kaga hadlayaan aragtidooda ku aaddan xasilinta dalka.

9/30/2012 3:34 AM EST
Axad, September 30, 2012 (HOL) — Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay dagaalka Kismaayo, iyadoo ku tilmaamay in Al-Shabaab laga adkaaday balse ay dhici karto inay dhacaan weerarro gaadmo ah oo ay soo qaadaan.