3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 29, 2012
Golaha Wakiiladda Somaliland oo Kal-fadhigoodii Maanta xilalkoodii uga qaaday Afar Xildhibaan oo Golaha ka tirsanaa
Sabti, September 29, 2012 (HOL) — Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa kal-fadhigoodii maanta afar xildhibaan xilalka uga xayuubin, kuwaasoo 20 kal-fadhi oo isku xiga aan kasoo xaadirin fadhiyada Golahaasi.

Gudoomiye ku xigeenka golahaasi, ahna ku simaha gudoomiyaha Md. Baashe Maxamed Faarax, ayaa fadhigaasi kaga dhawaaqay magacyada afartan Xildhibaan ee xubinimadoodii waayay, ka dib markii ay sida uu dhigayo xeer hoosaadka aqalkaasi mudanihii ka maqnaadda labaatan kal-fadhi oo isku xiga, uu sidaas ku waayayo xubinimaddii golaha Wakiiladda.

Afartan Xildhibaan ayaa la kala yidhaa Xildhibaan Ikraan X. Daa’uud oo xisbiga KULMIYE ka soo baxday,, Xildhibaan Axmed Maxamed Cali Xisbiga UCID, Xildhibaan Mahdi Xaaji Xasan Sugaal xisbiga UDUB iyo Xildhibaan Maxamed Cali Jibriil Xisbiga UCID.

Guddoomiye Ku xigeenka koowaad Md. Baashe Maxamed Faarax, ayaa sheegay in loo cuskaday qodobka afar iyo tobnaad farqadiisa labaad ee xeerka doorashooyinka golaha wakiilada Xeer No 20/2005, kaas oo tilmaamaya qaabka uu mudanuhu ku waayi karo xubinimadiisa, waxaanu sheegay sida u nidaamku sheegayo in loo gudbin doono guddida Doorashooyinka Qaranka, kuwaas oo soo bedeli doona xildhibaanadii buuxin lahaa boosaskii ay baneeyeen.

Golaha golaha Wakiilada ayaa baryihii dambe kooram la’aan hawlihii qaranka ay u hayeen u qabsan waayey, waxaana jira xildhibaano badan oo dalka gudihiisa iyo dabadiisaba  joogo oo mudooyin badan ka maqnaa kal-fadhiyadda golaha Wakiiladda, taas oo golaha ka dhigtay mid fadhiid ah.

Xil ka xayuubintan afartan xubnood lagu sameeyey ayaa noqonaya talaabaddii ugu horaysay ee shirgudoonku ka qaado xildhibaan ka tirsan golahaasi ee fadhiyada golaha ka soo xaadirin mudooyin dheer.

Golaha Wakiiiladda, ayaa inta badan dadweynuhu ku tilmaamaan inay gabeen hawlihii ay u xil-saarnaayeen, isla markaana baryihii dambe ay u muuqdaan kuwo muxaafad ah oo kala taageersan xisbiga kulmiye iyo urur siyaasadeedka WADANI, taas oo keentay in mooshin walba oo golaha la keeno duuduub ku ansixiya.

Sidoo kale, waxa ilaa hadda khilaaf ka taagan yahay labada xil ee uu gudoomiyaha golaha Wakiiladdu Md: C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro  isku hayo, iyagoo  xisbiyadda qaarkood cabasho weyn u soo jeedinaya, kuna dhaliilaan inay isku milmeen urur siyaasadeedka WADANI iyo golihii Wakiiladdu oo labaddaba uu gudoomiye ka yahay.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online  
[email protected]
Hargeysa, Somaliland












Click here
9/29/2012 5:48 PM EST
Sabti, September 29, 2012(HOL): Fadhigii 21aad ee Golaha Xuquuqul Insaanka ee QM ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Geneva ee dalka Switzerland. Kulankan ayaa si weyn waxaa looga hadlay xaaladda Xuquuqul Insaanka ee dalka Soomaaliya iyo xaaladda kala guurka ah ee uu dalka Soomaaliya soo maray.

9/29/2012 9:58 AM EST
Sabti, September 29, 2012 (HOL) — Deegaannka Ceel-jaale ee duleedka magaalada Baladweyne waxaa gaaray dadkii ka barakacay fatahaadii maalintii shalay ku dhuftay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kuwasoo waqtigan ay soo food-saareen xaalado adag dhinaca nolasha ah.

9/29/2012 9:18 AM EST
Sabti, September 29, 2012 (HOL) — Hal qof ayaa ku dhintay, saddex qof oo kalena way ku dhaawacmeen duqeyn ay diyaaradaha dalka Kenya u geysteen degmada Baardheere ee gobolka Gedo, halkaasoo ay ka taliso Xarakada Al-shabaab.

9/29/2012 8:40 AM EST
Sabti, September 29, 2012 (HOL) — Abaanduulaha ciidamada milateriga Soomaaliya Jen. Cabdikariin Yuusuf Aadan (Dhego-badan) oo saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay inay ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya siiyeen amar ah inaysan gelin gudaha magaalada Kismaayo, sababo jira awgood.

9/29/2012 8:01 AM EST
Sabti, September 29, 2012 (HOL) — Kooxo baastoolado ku hubeysan ayaa laba qof oo shacab ah siyaabo kala duwan ugu toogtay duhurnimadii maanta xaafado ka tirsan magaalada Kismaayo, iyadoo dilalkan ay ka dhigayaan dadka maanta oo keliya lagu dilay Kismaayo saddex qof oo shacab ah.

9/29/2012 7:50 AM EST
Sabti, September 29, 2012 (HOL) — Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay laba kalena dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaaray kaddib markii bam-gacmeed lagu weeraray maanta suuqa qoryaha lagu qoro oo ku yaalla magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

9/29/2012 6:29 AM EST
Sabti, September 29, 2012 (HOL) - Dadweyne taageersan madaxweynaha dhawaan loo doortay Jamhuuriyada Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa dibad baxyo ka sameeyay degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

9/29/2012 3:45 AM EST
Sabti, September 29, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa shaaca ka qaaday maanta in xalay la xiray xafiisyadii maamulkoodu ku lahaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, balse ay ciidamadeedu diyaar u yihiin inay la dagaalamaan cid walba oo kasoo horjeedda ku dhaqanka shareecada Islaamka.

9/29/2012 3:22 AM EST
Sabti, September 29, 2012 (HOL) — Xaaladda magaalada Kismaayo ayaa saaka ah mid aad u kacsan, iyadoona magaalada ay ka socoto bililiqo iyo boob loo geysanayo xarumihii maamulka Al-shabaab ee Magaalada Kismaayo.

9/29/2012 3:18 AM EST
Sabti, September 29, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jimcihii shalay kulan looga hadlayay ammaanka iyo dib u dhiska dalka kula yeeshay xarunta madaxtooyada xubno ka socday ururrada bulshada rayidka Soomaaliyeed oo uu isagu ka mid ahaan jiray.

9/29/2012 3:17 AM EST
Sabti, September 29, 2012 (HOL) — Saraakiil ka socda sirdoonka magaalada Hargeysa ee Somaliland ayaa habeen hore saqdii dhexe xabsiga u taxaabay wariye C/fataax Maxamuud Caydiid oo ka tirsan wargeyska Saxafi oo kasoo baxa magaalada Hargeysa.