4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 28, 2012
Wariye ka tirsan kuwa Tabiya Barnaamijyada Ciyaaraha oo Magaalada Muqdisho lagu aasay kaddib Markii Qoorta laga Jaray

Jicmo, September 28, 2012 (HOL) — Wariye ka faalooda barnaamiyada ciyaaraha oo maydkiisa oo qoorta ka go'an laga helay shalay degmada Huriwaa ayaa maanta lagu aasay deegaanka KM-13 ee duleedka Muqdisho, waxaana wariyahan uu noqonayaa wariyihii shanaad oo toddobaadkan lagu dilo Muqdisho.

Marxuum C/raxmaan Maxamed Cali oo ka tirsanaa shabakad ka faalloota ciyaaraha oo lagu magacaabo www.ciyaarahamaanta.com, waxaa dilay rag hubeysan oo ka watay guri ku yaalla xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa shalay oo Khamiis ahayd.

"Waan ka xunnahay dilka foosha xun ee loo geystay saaxiibkeen C/raxmaan, balse tani nagama leexinayso inaan bulshada u sii shaqeynno," ayaa lagu yiri bayaan ay soo saareen maamulka iyo shaqaalaha shabakaddii uu ka tirsanaa wariyahan.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in wariyaha qoorta laga jaray, lana soo dhigay xaafadda suuqa xoolaha, halkaasoo markii dambe maydka laga soo qaaday, iyadoo aysan jirin cid sheegatay inay mas'uul ka tahay dilka wariyehaas.

Dilka wariyahan ayaa waxay cabsi weyn gelisay wariyeyaasha ka howlgala Muqdisho oo toddobaadkan uu ahaa midkii ugu cabsida badnaa, maadaama qaraxyo iyo dilal qorsheysan lagu dilay shan wariye oo ka tirsanaa kuwa Muqdisho ka howl-gala.

Sannadkan oo keliya ayaa waxaa Soomaaliya lagu dilay 13 suxufi oo dhammaantood rag ahaa, kuwaasoo intooda badan lagu dilay Muqdisho, waxaana saddex ka mid ah lagu dilay qarax toddoabadkan ka dhacay agagaarka tiyaatarka weyn ee Muqdisho.

Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya ayaan weli sheegan inay mas'uul ka tahay dilalka shanta suxufi loogu geystay Muqdisho, mana beenin in dilalkaas ay lug ku leeyihiin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya