4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 26, 2012
Siyaasiyiin, Aqoon-yahanno iyo Odoyaal kasoo Jeeda Gobollada Jubooyinka iyo Gedo oo Cambaareeyay Falkii lagu dilay dadka shacabka ah
Arbaco, September 26, 2012 (HOL) — Aqoonyahanno, Siyaasiyiin iyo Odoyaal kasoo jeeda gobollada Jubooyinka iyo Gedo ayaa si kulul u cambaareeyay dilkii askari katirsan ciidamada Kenya uu dad rayid ah ugu geeystay nawaaxiga deegaanka Birta dheer ee gobolka Jubada Hoose.

“Waxaan si cad u cambaareyneynaa dowladda Kenya iyo ciidamadeeda oo si ula kac ah had iyo jeer u leysa dadka shacabka ah ee dega dhulka miyiga marka ay iska horyimaadaan ciidamada dowladda Kenya iyo kuwa Dowldda Soomaaliya oo dhinac ah iyo Xarakada Al-shabaab,” sida waxa yiri Col Mukhtaar Aadan Ciise.

Masuulkani ayaa hadalkiisa ku daray “Dadka lagu laayay deegaanka Birta Dheer si bareer ah ayaa loo dilay iyadoo weliba heybta ay yihiin darteed loo xasuuqay, waxaana u marqaati ah hadalkii uu afhayeenka ciidamada Kenya Emanuel Chirchir ka sheegay warbaahinta ee ahaa in uu yiri "Beesha sade waa Al-shabaab".

Eng. Warfaa oo isna kamid ah waxgaradka gobolka Gedo ayaa si kulul u cambaareeyay xasuuqii ka dhacay deegaanka birta dheer ee lagu laayay dadka rayidka ah, wuxuuna ugu baaqay dowladda Kenya in ay magdhow ka bixiso dilalkaasi.

Maalin kahor ayay ahayd markii askar katirsan ciidamada Kenya ay toogasho ku dileen sagaal qof halka ay sidoo kale dhaawacyo soo gaareen ilaa afar qof kuwaasoo ahaa dad xoolalay ah, waxaana dowladda Kenya ay sheegtay in askariga dilkaasi geystay ay gacanta ku dhigtay haatanna uu xiranyahay.

Warbixin uu dhawaan soo saaray golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu eedeeyay dowladda Kenya in ay xasuuq ka geeysato gobollada Jubooyinka, iyadoona loogu baaqay ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya in ay ka taxadaraan waxyeelo soo gaarta dadka rayidka ah.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya